Qaxootiga Soomaliyed ee Ku Sugan Kenya oo Lacago Deeq ah oo Gaarayo 20 Million oo la Siinayo…

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ay kala shaqeyn doonaan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen dalkooda.

Ku dhawaad (£20 million) oo dollarka Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay ugu deeqeen Qaqootigaasi soomaaliyeed ee kulaabanaya dalka somaaliya si lacagahaasi ay noloshooda ugu maareeyaan qoysaskaasi soomaaliyeed ee kunool xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ee dalka Kenya ayuu yiri Nic Hailey oo ah gudoomiyaha gudi kasocda dalkaasi Britain ee kusugaan dalkaasi.

Dhinaca kale gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa carabaabay in arintani ay tahay hormar wanAagsan islamarkaana ay wax badan kaqaban doono xaalada nolol xumo ee qaxootigaasi ay kusugan yihiin kuwaa oo qaxootiga go’aan sada in ay kulaabtaan dalkooda ay uhorseedi doonto mustaqbal wanaagsan.

Mudooyinkii ugu dambeysay boqolaal qaxooti soomaaliyeed oo kunool Kenya ayaa dib ugu soo laabanayay Soomaaliya kuwaa oo dhowr iyo labaatan sano ku noolaada dalkaasi.

Xerada dhadhaab oo ah xerada ugu weyn caalamka ayaa la shegay qaxootiga ugu badan ee kunool xerayahaasi ay yihiin qoysas soomaaliyed kuwaa oo burburkii kadib kacararay soomaaliya.