Madaxweyne cusub oo loo doortay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Axmed Cabdi Maxamed oo ahaa Wasiirkii maaliyadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub DDSI, kaddib is casilaadii Madaxweynihii cadaadiska saarnaa Cabdi Maxamuud Cumar oo gelinkii dambe ee maanta is casilay.

Kulan degdeg ah oo uu yeeshay Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii uu xilka wareejiyay Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Axmed Cabdi Maxamed ayaa ah nin da’yar oo aqoonyahan ah, waxaana uu noqonayaa Madaxweynihii ugu da’da yaraa ee deegaanka,waa 32 jir ah, isagoo dhashay sanadkii 1986.

Madaxweynihii xilka iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku sugan magaalada Jigjiga, isagoo sii heynaya xilka Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya, taasoo ka dhigan inuu weli yahay nin awood leh.

Xaalada magaalada Jigjiga ayaa caawa degan, waxaana is bedelka ay magaalada gashay laga dareemayaa magaalada.