Khayre oo kulan la yeeshay Cumar Xasan Al-bashiir

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa magaalada Khartuum ku yeeshay kulan muhiim ah oo ay uga wada hadleen adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal, amniga, kobaca dhaqaalaha, horumarka, maal-gashiga iyo iskaashiga horumarka gobalka guud ahaan.

“Kulan mira dhal ah ayaan la yeeshay madaxweynaha Suudaan, waxa aan aad uga mahad celinayaa soo dhawaynta wanaagsan, waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xariirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, amniga, horumarka, kobaca dhaqaalaha, maal-gashiga, sida aan isaga kaashan karno arrimaha gobalka iyo sida Soomaaliya ay uga qaadan karto dawr dhaxal gal ah oo ku salaysan khibradeenna iyo Khayraadkeenna”, Ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha xukuummada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Suudaan uga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay kusoo kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.