FAQRIGA IDIN HAAYSTA WAXAA SABAB U AH DHAQANKIINA DUGAAGNIMO:

Marxuun Mohamed Mahamoud Sheik, waxaa lagu dilay Mogadisho asagoon wax dambi ah geesyan. Dabcan waxay dilkiisa ay taabatay dad badan oo aan aniga ka mid ahay inkastoo aanan aqoon u lahyn, sidii caadada noo ahayd waxaan Baraha bulshadda ku qornay alaha u naxariisto gacan ka xaq daran baa dishay, isbuuc ka dibna waan ka soconay.

Hadaba dilka Mohamed maxay u dhimi kartaa dalka Soomaaliya iyo dadkiisa?

Wuxuu ahaa nin dhaliyaro ah oo damcay inuu waxka qabto shaqa la’aanta haaysato dalkeena, wuxuu sameeyay Somali Premium Laundry asagoo isku dayay inuu maal gashi iyo hurumar gaarsiiyo dalkiisa iyo dadkiisa, waxaa jira kumaan kun asaga la mid ah oo haaya aqoon iyo lagac ay dalkooda ku hormariyaan.

Dilkiisa waxay si gaar ah u taabaneeysaa oo kalsoonidda ka lumineeysaa kumaan kun Soomaali ah oo haaya lagac iyo maskax dalkooda ay shaqo ugu abuuraan dadkooda iyo shirkado caalami ah diyaarna u ahaa inay maalgashi ku sameeystaan dalka Soomaaliya, Marka ay arkaan waxuush-nimadaan oo kale way ka fogaanayaan dalka.

Arimahaan waxoosh-nimada waxay dalkaan iyo dadkiisa ka dhigeeysaa ama u yeeleysaa sumcad xumo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana hubaal ah hadaan dhaqankaan la badalin inay nabad iyo hurumarba idinka dheer tahay oo aad ku noolaan doontaan dulinimo baahi iyo burbur.

Ficilka qaarkiin ayku dhaqmayaan oo aad indhaha ka fiirsaneeysaan, waa mid diinta Islaamka iyo dhaqankeena suuban aysan ogolayn waxaana hubaal ah inuu Ilaah nacalad idin dul dhigaayo, hadaadan ka waan toobin ficilada xun ee dhiiga dadkiina wax tarka aad Ma’alin kasta dhulka ku qubeeysaan.

Dalkaan maalgashi iyo hurumar dhaqaale ma heli karo, adinkoon badalin dhaqankaan dugaagnmadda ee aad caadaysateen, waxaad noqoteen kuwa ilaah iyo diintaba ka fog, taas awgeed waxaa hubaal ah in nacalad ilaah idinku dhaceeyso hadaanan ficiladaan laga waan toobin. Aduunkii Baad ka harteen, dalkiina waad burburiseen, dadkiina waad disheen hadaba magac aan waxuush ahayn maloogu yeeri karaa Soomaali?

Sheikhnor Qassim