Aadan Cumar Madoobe oo Xilka Laga Qaaday iyo Gudoomiyihiye kale oo loo magacaabay ..

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Degmadda Baraawe Aadan Cumar Madoobe.

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay in xilka Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Baraawe loogu magacaabay Cabdifitaax Maxamed Nuur (Sandheere) oo bedelaya guddoomiyihii.

Laguma sheegin wareegtada Gudoomiyaha sababta keentay isbedelka lagu sameeyey maamulkii ka jiray degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo waxaa xiligaan ku soo beegay.