Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Jigjiga

Wararkii ugu dambeeyay ee inagaa soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ku warramayaa in saakay xaaladdu ay dagan tahay.

Ciidamada Booliska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya aya lagu arkayaa gudaha Jigjiga, kuwaas oo xaqiijinaya amniga guud ee magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in xalay illaa saakay xaalaaddu ay tahay mid xasiloon.

Ciidamada dowladda federaalka Itoobya ee shalay gudaha galay halkaasi, ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah magaalada.

Qorane Ibraahim Faarax oo ah Wariye madax banaan oo ku sugan halkaasi ayaa ka warbixiyay sida ay iminka xaaladdu tahay.