“Sheekh Cali Wajiis “Sharciga Jinsiga la xariira waxaa ku jira qodobo ka hor imaanaya Diinta Islaamka”

Kadib kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen hay’adda Culumada Soomaliyeed ayaa waxa ay kaga hadleen sharci dhawaan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ay u gudbisay xubnaha Golaha Wasiirada XFS, kaas oo ay Goluhu meel mariyeen.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah xubnaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in sharciga Jinsiga la xariira ee Golaha Wasiirada loo gudbiyay ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

Waxaana uu ka dalbaday xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan meel marin sharcigaasi .