Shabaab oo saddex ruux ku toogtay Magaalada Jilib

Maxkamad ku taal Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa Shabaab waxa ay ku toogteen saddex ruux oo mid ka mid ah ay sheegeen inuu horay dil u gaystay.

Fagaaraha Macalin Aadan Xaashi Cayrow ee Magaalada Jilib, ayaa la soo taagay saddexdaan ruux oo laba ka mid ay yihiin askar ka tirsaneyd ciidamada Jubbaland.

Ninka dilka inuu gaystay Shabaab ay ku eedeeyeen ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Abshir oo ku magac dheeraa (Madaxeey) oo jiray 32 sano, kaasi oo Shabaab ay ku eedeeyeen inuu horay u dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Raxmaan Cabdi Warsame.

Sidoo kale isla fagaarahaasi ayaa Shabaab waxa ay ku dileen laba askari oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamada Jubbaland, kuwaasi oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.

Magaalooyinka ay ku sugan yihiin Al Shabaab ayaa waxaa ka dhaca xukunada noocaan oo kale ah ee loo gaysto dadka Shabaab ay eedeeyaan iyo askarta ay gacanta ku dhigaan.