Nicolas Maduro oo qarax kabad-baaday Isagoo ..

Dayaarad nooca drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha la socon, ayaa weerar qarax ka geysatay goob uu ka jeedinayay qudbad Tv-ga si toos ah looga sii daynayay madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolas Maduro, gudaha magaalada caasimadda ah ee Caracas Sabtidii, waxana la sheegayaa in aysan wax dhaawac ahi soo gaarin.

Muuqaallo TV-yada laga sii daayay ayaa muujinaya Maduro iyo dad kale oo agtaagnaa oo argagax galay, kadib markii la maqlay qaraxa, wax yar kadibna, waxa la arkayay askarta oo ka kala ordeysa safafkii ay ku jireen si ay u helaan meel ay ku gabadaan.

Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in illaa iyo 7 askari ay goobta ku dhaawacmeen.

Wasiirka warfaafinta dalkaasi ayaa sheegey goor dambe in Maduro uu bad-qabo islamarkasina uu guddoomiyay shirka golaha wasiirada, halka dadkii dhaawacmeyna la daweynayo.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaase Vanezuala ay waayadanba dhexda uga jirtay xiisado siyasadeed iyo mid dhaqaale.