MAXAY JABUUTI U DIIDEEYSAA IN CUNA QABAYEENKA LAGA QAADO ERITREA?

Labada dal ee Geeska Africa cuna qabateenka saaran waa Soomaaliya iyo Eritrea, waxaan ognahay mar haduu dalkaaga ku jiro cuna qabateen (Embargo) inuu muran ku jiro madaxbanaanidaada, dalkastaa ee uu saaran yahay Embargo wuxuu ku dadaalaa inuu soo ceshto madaxbanaanidiisa.

Labada dowladood Soomaaliya iyo Eritrea waxaa loo saaray gudi baara cuna qabateenka oo sanadkastaa ay xog u gudbiyaan Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobay kasoo la yiraahdo (Somalia and Eritrea Monitoring Group) waxaana dib u eegis lagu samayn doonaa November 15. 2018 in la cusbooneeysiiyo ama laga dul qaado cuna qabateenkaasi labada dal.

Eritrea waxay cuna qabayeenkaasi ku mudatay ka dib markii lagu eedeeyay inay Ethiopia kula dagaalameeyso Soomaaliya si ay uga saarto Soomaaliya ay hub siineeyso kooxda xag jirka al-shabaab.

Soomaaliya waxay cuna qabayeenkaasi ku mudatay dagaalka qabiilka iyo inuusan hubkaasi gacanta u gelin Al-shabaab.

Waxaa muhiim ah inaan fahano waxa isku xiraayo Eritrea Iyo Somalia waa waxaa wada saaran cuna qabateen, Marka ay heshiiyaan oo nabada ka shaqeeyaan waxaa sahlan in laga dul qaado cuna qabateenkaasi. Waxaa kaloo ayadana muhiim ah inaan fahano marka dalka uu cuna qabateen caalami ah saaran yahay waxa ka xiran hub kaliya ma aha waxay taabaneeysaa dhaqaalaha iyo maal gashiga, dalkaasi waxaa ku adkaanaayo inuu dalkiisa hurunariyo shaqo abuuro, soona jiito maal gashi, waayo ma jirto shirkad dooneeysa inay maal gashayo dal cuna qabateen saaran.

Hadii laga qaado cuna qabayeenka Eritrea Iyo Soomaaliya maxay Jabuuti ka baqaysaa?

Dhulka xuduuda muranka ku jiro waa 3 kilomotir, Eritrea diyaar bay u tahay inay dhulkaasi ku wareejiso Jabuuti waayo waxaa uga daran in laga qaado cuna qabayeenka sida ay u sheegtay Golaha Amaanka.

Waxaa jirta in Ethopia ay isticmaali jirtay furdada Jabuuti, heshiiskii Eritrea Iyo Ethopia, Jabuuti waxay ka baqeeysaa in Laga maarmo furdada Jabuuti waayo waxay Ethiopia heleeysaa laba furdadood ee Asmara iyo Asab oo dhaw, dhisan.

Soomaaliyana dan bay u tahay arinkaasi waayo waxay Ethopia naga dhaafeeysaa faragelinta, hadeey naga heshiyaan ayaga iyo Eritrea, waxaan heleeynaa nafis ay amaan nagu siyaan, waayo dhib badan bay nagu hayeen Ethiopia.

Waxaa kaloo qasab ah inaan fahano Jabuuti waxay saldhig malitari siiyay China, ayagoo og inuu saldhiga mareeykanka Africa ugu wayn uu ku yaalo dalkeeda, tasoo ay adag tahay inay Jabuuti isku haayso laba dowladood oo ka dhaceeyay tartan dhaqaale iyo mid ciidan, waxaana qasab noqoneeyso inuu Mareeykanka helo meel kale oo uu kaga maarmi karo Jabuuti. Tani waxay ku tuseeysaa in arinta Ethiopia iyo Eritrea ay wadaan dowlado waaweyn oo wax hor istaagi karo aan jirin, wayna soconeeysaa sida ay ila tahay.

Sheikhnor Abucar Qassim