Maxaad ka taqaan Taariikhda dhulka Hawd and reserve area?

Sannadkii 1948 ayaa uu Ingiriisku sheegay in uu go’aan ku gaadhay in uu dhulka Soomaali Galbeed ku wareejiyo dalka Itoobiya, isaga oo raacaya heshiisyadii ay labada dawladood wada galeen sannadadii 1942 iyo 1944.

Go’aankaasi oo lagaga dhawaaqay magaalada Jigjiga waxa uu dhaliyay rabshado ka dhacay Jigjiga kuwaasi oo ay ku dhinteen 25 qof oo Soomaali ahi.

Kacdoonkaasi looma joojine waxa uu Ingiriisku si rasmi ah dhulkaasi ugu wareejiyay dawladda Itoobiya 23/9/1948, iyada oo aan Soomaalida lagu wargelin. Wakhti ku beegan 29/11/ 1954 ayuu Ingiriisku heshiis kale oo uu dhulkaasi kaga baxayo uu la galay Itoobiya.

28/2/1955 ayaa uu Ingiriisku u sheegtay dadkii Soomaalida ahaa in dhulka Hawd and reserve area ay ka tirsan yihiin dalweynaha Itoobiya. Bulshada reer Somaliland ayaa arrintaasi ka biyo diiday, waxaana dhacay bannaanbaxyo waaweyn, kuwaasi oo keenay in markii danbe wafti loo diro dalka Ingiriiska si ay arrintaasi ugala soo xaajoodaan. Xubnihii waftigaasi waxa ka mid ahaa:

1. Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye
2. Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye
3. Suldaan Biixi Foolay
4. Maykal Maryamo
5. Cabdiraxmaan Cali Dubbe

April 1956 ayaa wafti ka socda guddida baarlamaanka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka dibaddu ay tageen Itoobiya si ay dawladda Itoobiya ugu qanciyaan sidii uu Ingiriisku dhulkii dib uga iibsan lahaa, balse arrintaasi waxa ka diiday dawladda Itoobiya. 25/8/1956 ayaa boqor Xayle Salaase hadal uu ka jeediyay magaalada Qabridahare ku sheegay in ay Soomaalidu ka mid yihiin qoyska weyn ee Itoobiya.

FG: Taariikhda waa in si fiican loo akhriyo, si loola jaanqaado ama xal loogu helo hadba xaaladdii taagan.

 

/Muuse-Dalmar