Jigjiga: 2018 u ekaa 1974 iyo Weerarka soo noqnoqanaya

Hordhac

Magalda Jigjiga dhowr astaamood ayaa lagu yaqaan: Midi waa goobtii Gulubku (Somali Youth Club) ka amba qaaday. Markii laga addkaaday Soomaalida dagan Faafan (Geri Koombe), waxaa dib laiskugu soo abaabulay xisbiigii Gulub oo xafiis kafartay guryaha loo yaqaanay “jagada rer’Khaliif.’

Waxa Gulub, oo markii dambe isku badala SYL (Somali Youth League), loo doortay in uu madax ka noqdo AU Xusseen Giire Liibaan (waxa uu awoy u yahay gabadha hada wasiirka laga dhigay ee ina Maxamed Suseen Geiire. AU Khadiija Aw-Libaax ayaa gudoomiye u noqotaqy urirkii SYL ee dumarka.

1950hii lacag xoogan iyo baaho ururis baaxad leh ayaa SYL Jigjiga ka samaysay si lacag loogu ururiyo difaacii AU Cabilaahi Ciise uu Talyaanigu xidha. AU Cali Gudaal iyo Abdi Ciise oo Ayax ushaqayn jiray, luqada Ingriisaga yaqaan, ayaa lacag ururintaas ka masuul ahaa. Waxa hawlahaas isna qay libaax leh ka qaatay AU Muuse Cabi dheere (Wareysi aan ka qaaday Amina xuseen,1986, Muqdisho).

Si loo cabudhiyo dhaq-dhaqaaqa ku aadanaa xornimadoonka Soomaali Galbeed, Xayle Selaasi ayaa heshiis lagalay gumaysigii Ingriska sidii gacantiisa loogu warejinlahaa dhula Soomaalida oo dhan.

Waxaa xigay, mar hadii Xayle gacanta ku dhigay dulkii Soomaalida, ishii rer-Yurubna ka jeedsatay, xaasuuq Soomaali ku aadan: Daldalaadii 7 dagaaliyahan ee Geri Koombe ee lagu daldalay Faras-magaalaha jigjiga (xigasho, Xuseen Bulxan, Horn of Africa Journal, 1978).

Waxaa suxid mudan in Michael Mariama iyo Salool Diriye ay Hargeysa ka yimaadaan si ay ugu dacwoodaan Soomaalidaa Xayle daldalaayey. Michael too Salool Baasaboora Britan ah ayey wateen.

Wixii intaas ka dambeeyey gacan bir ah ayaa Itoobiya ku qabatay Soomaali. Ciidamada ugu bade ee Itobiya, ugu mechanized ah,waxaa la soo dajiyay Gobolka Soomaalida (3rd Division), oo xarumo ku yeeshay Jigjiga, Dhagaxbuur, Awaare, Guday, Qabrri Dahdar, qalaafo, Nageele iyo meelo badan.

Markay taariihdu ahayd 1964 waxaa lagu soo qaaday geyiga Soomaalida dagaal aad u baladhan, si Xayle Silaase laba arimoodba u dhamays tiro: in la daciifiyo awooda Soomaliyadii curatay 1960; iyo in Geeshkii Makhtal Daahir hogaanka u hayey.

Xiligii Dhargi 1974.

Markii xukuumadii dhargigu awooda qabsatay, Mengistu Xayle Mariam ayaa bayaan soo saaray: in Qowmiyad kastiba wakil soo dirato: Laba habeen iyo laba maalmood ayaa dhalintii magaalada joogta bilowday dhaqdhaqaa xoogan: waa la midoobay. Hoos hoos ayaa la siku arkay. Waxaa lagu heshiiyey in shirweyne Soomaali u gaar ah ardadu iskugu timaad. Waxaa intaas dheeraa in dhowr oday oo fakarkoodu saalim ahaa la latashaday. Arintan ayaa Soomaali isku raacday: IN SOOMAALI WAKIILATAY CABILAAHI BADE!

Shirweynihii la iskugu yimid ayaa warkaas laga sheegay. Intaan magacii la gudbin dawladdi itoobiya oo iyadu qorshe kale wadatay ayaa ka war heshay. Hujuun baaxad leh ayey ku soo qaadaay hoollkii shirku ka socday. AU Abdi Ducaale oo rer-Awbare/Jigjiga ah iyo Cabdi guray Dheega heebaan ayaa hadalka ku haystay markii weerarku dhacay.

Maalintaas magaaladu wxay la ciiraysa shacab. Ilaa Tuliguuleed, Lafaciise, Camadhle, haroorays, Togwajaale ayaa la iskaga yimd. Waxaa shirweynihii soo weerary 10th brigade ciidamaadii la odhan jiray. Waxa ku soo baxeen kaarayaal, gawaadhi qufulan, iyo hub culus. Waxaa intaa dheeraa shacabkii Xabashida iyo ardadii Axmaarta oo askarta Xabashida garab cararay. Waxay farta ku fiiqayeen Somalida shaqsiyaadka ugu cadcad.

Mar hadii Soomali marlabaad Jigjiga ku jabtay, waxa Mengistu dawladiisii kor nagaga keentay nin Wasaarada Beeraha Itoobiya u shaqayn jiray, oo Dirdhabe laga keenya. Nin wuxuu ahaa: 1. nin dhaqanka Soomaaliga ka aradan; (2) cidna aan ku xidhnay; (3) daaca u ahaa Xabashida. Sidkastaba ahaatee, Soomaali iyada oo isku dooban ayey hadal cad ku yidhaahdeen: nimaan CABDILAAHI BADE AHAYN MAY!! Sadex beri dabadeen Xabashdu go’aankeedii dib ayey uga noqotay.
Maanta iyo Jigjiga 2018.

Xiliga xaadirka ah ee 2018 waxa u egyahay, hadanu kaba xumayn, Xagaagii 1974. Huwan Oromo iyo ciidamo federaal ah ayaa Jigjiga soo weerary. Waxay sabab ka dhigteen ayaga oo leh rabshado ayaan ka baqanaynaa.
Khasaare ka weyn kii 1974 ayaa maanta Jigjig aka dhacay.

Waxa dawlda uu PM Abiy Axmed madaxa ka yahay rabtaa afar arimood oo isku xidhan:

Sidii 1974 Dhargigu sameeyey, in shaqsi ay iyagu wataan korka ka keenaan. Shaqsigaasi waa in uu noqdo mid u fudaydin kare PM Abiy afar arimood;

a. Soomali gacanta ku dhigi karaan;

b. Shaqsi Oromoda u fudaydin kare weeraka ku aadan bulshaweynta Soomaaliyeed (min Moyaale ilaa Tuliguuleed);

c. Shaqsi fulin kara boobka qorshaysan eek u aadan shidaalka Soomaalida uu PM Abiy cadeeyey in aanu Soomaali u ogaly 5-10% inta u dhaxaysa. Saamigani kuma qeexna Sharciga itoobiya dhigatay;

d. In qalaalaase lagaliyo Soomaalida inta aanay ONLF iyo PM Abiy si cilmiyeysan wadahadalo u bilaaban (Bi macni in soorta subaga lagu qaso si aan la’iskugu keeni kare xoogaga Soomalida ah iyo gogosha Garaad Kulmiye fidiyey).

Sikastaba ha nowotee, Abiy waxa uu laalay shatcigi..

Faisal Roble