YAA KA FA’IDAY BURBURKII QARANKA SOOMAALIYA?

YAA KA FA’IDAY BURBURKII QARANKA SOOMAALIYA?

Dowladda Soomaaliya 1970 -1980 waxay ka mid noqotay dowladaha Africa ugu xooga badan dhanka ciidanka, marka laga reebo South Africa iyo Masar, dhanka siyaasada waxay ahayd dowlad codkeeda lagu xisaabtamo, waxay xuriyada gaarsiisay dowlado badan oo ugu horeeyso Jabuuti, waxay kaloo qaybta ugu firfircoon ka qaadatay inay xuriyad helaan dowlada ayka mid tahay Zimbabwe, Angola, waxay kaloo caawini jirtay oo ciidamada u tababari jirtay Burundi, Ruwyda, Uganda iyo Eritrea. Waxay ahayd dowlada ugu codka dheer ee la dagaal diplomacy ku qaaday midabtakoorkii South Africa.

 

Dowladaha Geeska Africa:

Ethopia:

Jabhadii TPLF ee xukunka Ethopia la wareegtay waxaa lagu caawini jiray Soomaaliya, Males Zanawi wuxuu ku safri jiray basaboorka dalka Somaaliya uuna degaan ku lahaa Mogadisho, ka dib markuu xukunka dalkaas la wareegay dadka Soomaaliyeed wuu soo dhaweeyay lakiin culeys uga yimid dhanka aduunka iyo qaar ka mid ah xukuumadiisa waxaa lagu qasbay in masiirka dalka Soomaaliya uu asaga hoos yimaado, tasoo ay sahleen kuwa siyaasiyiin isku sheegaayo oo Soomaali ah, tasoo meesha ka saartay doodii xuduuda ay Soomaaliya ay waligeed ku dacwoon jirtay. Waxay kaloo fursad u helayaan inay la soo baxaan oil ku jiro Gobolka ay Soomaalidu degto muran la’aan.

KENYA:

Kenya waxay si dadban ula wareegtay gacansigii gobolka geeska Africa, tasoo meesha ka saartay tartarkii gacansi ay waligeed ka baqi jirtay inay Soomaaliya kula tartanto, waxaa kaloo meesha ka baxay dhulkii ay Soomaaliya sheegan jirtay oo shidaal badan leh ayna dood la’aan ku qaadato NFD iyo bada Somaliya oo ayku jiraan oil badan.

JABUUTI:

Dagaalka Ethiopia iyo Eritrea waxay u aragtay inay dan badan ugu jirto si Furdadeeda ay u noqoto meesha kaliya ee Ethiopia ay waxkala soo degto. Waxay kaloo aad uga fa’iday burburkii Soomaaliya inay saldhiyo badan siiso dowlado badan oo aad uga baqaayay in mushilkada Soomaaliya aysan sameyn ku yeelan bada cas oo ah bada kaliya ee dhaqaalaha aduunka isku xiro. Waxay kaloo Jabuuti dooneeysaa inta aysan Soomaaliya sal dhiganin inay noqoto suuqa Africa, waxay ogtahay hadii Soomaaliya ay dib u soo kacdo inuusan socon doonin riyadeeda dhaqaale. Tan ugu wayn hadeey Soomaaliya nabad noqoto waxaa xirmaayo saldhigyada milatari oo laga yaabo inay u guraan Somaliya ama Eritrei waayo iskuma haayn karto China iyo USA.

AMISOM:

Dowladaha Africa ee ciidanka ka joogo Soomaaliya waxay heleen dhaqaale badan oo aysan waligood heli lahyn, ayaguna nabad ilaalintii waxay u arkeen qorsho dhaqaale mana doonayaan inay inuu soo af jarmo waxay ka dhigteen project, waxay dan ugu jirtaa inuu arinkaan sii jiitamo, halka askariga Soomaaliga aan qaadanin boqol Dolaar waxay ciidamadooda qaataan 80 Milyan doolar sanadkii.

NGO’s

Hay’adaha aan dowliga ahayn waxay helaan lacagaha dalka Soomaaliya loogu deeqo, ayagoo og hadii dowladnimadda Soomaaliya soo noqoto ama xoogeeysato inuu meesha ka baxayaan oo dhaqaalahaad uu hoos tagi doono Soomaaliya.

27 sano ee burburka Soomaaliya ay ku jiray ma arko wax u saxiib ah Soomaaliya, dowladaha safka hore midkastaa dan baa ugu jirto burburka qaranka Soomaaliyeed. Lakiin waxay cabsi gashay ka dib markii ay dhasheen xag jirka dalka Soomaaliya, waxayna ogaadeen dabka Soomaaliya ayku shidayeen inuu gurigooda imaan karo, tasoo badashay siyaasadoodi, cabsi darteed waxaa qasab ku noqotay inay waji kale la yimaadaan.

Hadaba Somaalidu waa inay ayaga isku tashadaan, saxiib malaha, walaal ma laha waxay leeyihiin deris, aduunka aan maarta ku nool nahay waa qofkastaa wuxuu eeganayaa maslaxadiisa, waxaan aaminsanahay inay Soomaalida dhinac iska dhigto kala fikir duwanaashaha oo ay xoojistaan dowladnimadooda waxana la qabsadaan Turkiga iyo Americaanka, sababta aan u leeyahay America waa inaad xasuusataan in nus malyan qof oo ah Somali-American ah ay jiraan oo xoog badan ku leh dalkaan waxbadana ka badali karo siyaasada dalka Mareeykanka.

Waxaan ku soo talo jeedinayaa Soomaalida inay isku tashato.

Sheikhnor Abucar Qassim