Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Lagu Qaaday Muqtaar Mahad Daa’uud iyo Dr Axmed Cali Daahir ka hadlay dacwada loo heysto …

 

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaalayaha Guud ee Qaranka ayaa markii u gu horeysay ka hadlay dacwada loo heysto Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Somaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud oo ciidamo saaka xafiiskiisa ay ugu tageen.

Xeer ilaalayaha Guud ee Qaranka oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho isagoo uu dhinac taagan yahay Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda oo hey’adaha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.

Xafiiska Hanti-Dhowrka ayuu sheegay inuu baaritaano ku hayay Wasiir ku xigeenka arimaha dibbeda Soomaliya mudo kusiman 4 Bilood.

Waxa uu sheegay iney baaris dheer kadib ay soo baxday fal danbiyeedyo lagu helay Wasiirka oo ay qeyb ka tahay;

Ku Xadgudub Xatooyo xoolo dadweyne,

Ku Xadguduba awood Xafiiseed,

Ku Daneysi shaqsiyadeed xoolo Xafiiseed iyo diidid howl qabasho Xafiis iyo

Ku xadgudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

Hay’adaha fulinta sharciga ayuu sheegay in Kiiskan hada gacanta ku hayaan, si ay udhaqan geliyaan awaamirta soo baxday ee ka dhanka ah Muqtaar Mahad.

Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday in la xalliyay Xiisadda ka dhalatay weerarka maanta lagu soo qaaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in tallaabadaasi uu soo fara geliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo amray Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Jeneraal Bashiir in Ciidamada laga dul qaado Wasiir ku xigeenka la soo eedeeyay , Ciidamadiina sidaa ay dib uga noqdeen.