UK oo ka digtay ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Xoghayaha difaaca dowladda Ingiriiska Gavin Williamson ayaa ka digay saameyn amni xumo oo ka dhalan karta qorshaha ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Mr Williamson oo warbaahinta la hadlay kadib kulan uu la qaatay madaxda ugu sarreysa howlgalka AMISOM ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Africa ay door lama ilaaban ah xilligani ay ka qaadanayaan xasilinta ammaanka Soomaaliya.

Waxaana uu intaasi ku daray hadalkiisa in aanan lagu degdegi karin qorshaha ay Ciidamada AMISOM uga baxayaan Soomaaliya, tan iyo inta laga xaqiijinayo in ay diyaar yihiin Ciidamada Soomaaliyeed ee bedali lahaa.

Haddii ay taasi dhacdo waxa uu tilmaamay in dhabar jab weyn ay ku noqon karta guulihii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay horay uga gaareen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Dowladda Ingiriiska ayaa si weyn ugu ololeynayso in AMISOM ay baaqi ku sii ahaadaan Soomaaliya, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhawaan golaha ammaanka ee QM ay waqti kordhin u sameeyeen howlgallka Midowga Africa ee Soomaaliya.