MAQAAL: YAA LAHAA FIKIRKII SHIRKII CARTE?

Ka dib markuu aad udaba dheeraaday dagaalkii sokeeye ee ka dhaxeeyay qabiilada Soomaaliyeed, waxay arinkaas si hoose u dhibtay alaha u naxariisto Rasail Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya oo markaasi ahaa Madaxwaynaha Soomaaliland Marxuun Muhammad Haji Ibrahim Egal. Wuxuu si qarsoodi ugu casuumay Hargeeysa siyaasiyiin Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya wuxuuna ka dhaadhiciyay in uu dagaalkaan uu sii dheeraaday loona baahan yahay in la soo af jaro si loo badbaadiyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Inkastoo markaasi culeeys badan ka haaystay shacabka, hadana wuxuu go’aansaday inuu si geesinimo leh uu shirka ugu qabto Hargeeysa. Arintii waxaa soo dhex galay Madaxwaynaha Jabuuti Ismail Cumar Geele oo u arkay markaasi fursad Jabuuti ayku soo jeedan karto caalamka dhaqaalena ku heli karto, wuxuu si toos ah ula dagaalamay Cigaal AUN.

Ismail Omar Gele wuxuu casuumay siyaasiyiintii qaarkood iyo gacansato Soomaaliyeed kana gaday in shirka Jabuuti lagu qabto, ayagoo ka baqaayay haduu Cigaal shirka qabto inuu Madaxwayne noqon doono.

Hadaba dad badan oo aad u baara siyaasadda Soomaaliya waxay aaminsan yihiin, hadii uu fikirkii Cigaal la qaadan lahaa inay maanta Soomaaliya sidaan ahaateen, dibna u soo noqon lahayd midnimadeeda. Waxaa fikirkaasi waqti geliyay oo keenay Marxuun Mohmed Haji Ibraahim Cigaal, nasdiib daro sidii doonaayay uma aysan dhicin oo waxaa fikirkiisa kula tartamay qaatay Ismail Omar Gelle oo sahal ugala wareegay.

Nasiib daro. Haduu fikirka Cigaal socon lahaa maanta Soomaaliya dhibkaan kuma raagteen…… Yaa qasaaray marka?

Sheikhnor Abucar Qassim