Magaalada Jigjiga taariikh cusub ayaa maanta qormeysa

Ciidamada Dowlada Federaalka ee Itoobiya ayaa saaka awoodii kala wareegey ismaamulkii hoose ee deegaanka Soomaalida Itoobiya. Lama saadaalin karo Mustaqbalka Soomaalida ku nool Itoobiya sida aan loo saadaalin karin mustaqbalka dhow iyo kan fog ee Itoobiya.

Waxaa xusid mudan Itoobiya ma aha wadan leh dhaqan demoqraadiya ah, doorasho xor ah ay ka dhacdo, kamana jiraan xisbiyo madaxbanaan oo dalka taladiisa ku tartama, ma laha saxaafad madaxbanaan iyo astaan walba oo lagu yaqaanno dal demoqraadi ah.

Waxaa xaqiiqo ah in taliskii hore ee hogaaminayey Cabdi Maxamud Cumar ( Cabdi Iley) in uu ku kacey xadgubyo lidi ku ah xuquuqul insaanka inkastoo nidaamkii dowladnimo ee xilligaas Itoobiya ka talin jirey raali ugu ahaa ama la dhihi karo in wakiil deegaanka ugu ahaa oo amarkooda ku shaqeyn jirey haddana aniga waxaa iimuuqda mugdi iyo ifafaalo xumo in ay soo wajihi doonto Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya maalmaha soo socda sababta oo ah dalka Itoobiya mustaqbalkiisa siyaasadeed ayaa weli fadhinin.

Itoobiya weli talladii iyo awoodii hal xisbi ayey gacanta ugu jirtaa ma aha wadan dadkiisu xur u yihiin in ay doortaan ciddii maamuli lahayd sidaa darteed Itoobiya waxey gali doontaa xilli adag oo ( Political Transition) ah sida uu doonayo ra’iise wasaaraha cusub ee Itoobiya. Isbedelada ayaa waxaa ugu muhiimsan 1. Dhowrista xuquuqul insaanka (human rights). 2. In shacabka gacantooda awooda lagu soo celiyo ( empowerment of the people),doorashooyin xur ah in dalka ka dhacaan. 3. Sarreynta Sharciga ( The rule of law) in Qoomiyadaha dalka isku haysto la helo sharci ka sarreeya oo isku xukumaan.

Seddaxdaan arrimood gaaristooda waxaa Itoobiya hortaagan qoomiyadaha ku hardamaya talada dalka Oromo, Amxaarada, Tigreyga iyo qoomiyadaha kale ee Soomaalidu kamid tahay waana qoomiyado dhexdooda kalsooni badan oollin.

Ilyas Mohamud Hussein