Magaalada Jigjiga oo rabshado ka socdaan iyo Militariga Itoobiya oo la wareegay xarumaha dowladda

Rabshado ayaa ka socda Jigjiga, ka dib markii Ciidamada Federaalku ay galeen magaalada oo ay la wareegeen dhismayaashii dawladda qaarkood.

Meelaha qaarkood waxa laga sheegayaa iskudhac hubaysan. Dadweyne tiro badan ayaa muddaharaaddo isugu soo baxay magaalada.

Kiniisaddii magaalada ayaa iyana la gubay. Xarumaha dawlad-deegaanka Soomaalida qaarkood ayaa dejiyay calankii Federaalka ee Itoobiya. Rasmiyan wali labada dhinac midkoodna kama hadal.

Shacab aad u badan ayaa inta badan isugu soo baxay wadooyinka magaalada Jigjiga xilli ciidamo milatari Ethiopian ah qabsadeen xarumihii maamulka Dawladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia .

Xaaladda oo ah mid aad u kacsan ayaan laga ogeyn ilaa hadda halka Madaxdii sare ee maamulkaas ay ku sugan yihiin, waxaana muuqata in jawi qasnaan ah magaalada Jigjiga kajirto.

Aragtidaada hoos ku reeb, wixii ku soo kordhana waan idinla wadaagaynaa.

ilaa iyo hadda lama garanaayo meel uu jiro madaxweynaha Dowlad degaanka Somalida Itoobiya mudane Abdi.

Military-ga Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen xaruntii Baarlamaankii Jigjiga, Garoonka adiyaaradaha iyo xarumo kale, waxaana si toos ah dadweynaha ula hadlay xubno Dawladda katirsan. Xigasho: Kasmaal Media

Waxaan soo galaynaa magaalada Jigjiga waxyar kadib.Waa been cid dadka qabsanaysa majirto ee isu soo baxa oo nasoo dhaweeya.

Posted by Abdirashid Ali Shuaa on Saturday, August 4, 2018

Military-ga Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen xaruntii Baarlamaankii Jigjiga, Garoonka adiyaaradaha iyo xarumo kale , waxaana si toos ah dadweynaha ula hadlay xubno Dawladda katirsan .

Posted by Kasmaal Media on Saturday, August 4, 2018