Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeyb Galay Kigali

Shirkan oo looga hadlayay arrimaha dhaqalaaha Qaaradda Africa, kaas oo ay ka qeyb galeen in ka badan 100 isugu jirta madax hore, kuwo haatan shaqeeya intaba ayaa lagu qabtay magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda.

Madaxda shirkaasi ka qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheeklh Maxamuud,kaas oo intii uu socday ka jeediyay khudbad qusaysa sida lagu hormarin karo dhaqaalaha Africa,

Shirakan oo ayaa waxaa in ta badan xooga lagu saaray sidii loo kobcin dhaqaalaha guud ee dalalka Qaaradda Africa.

Madaxweyanha dalka Rwanda Paul Kagame oo shirkan marti galinayay ayaa tilmaamay in Africa ay leedahay kheyraad ku filan oo ay mudan tahay in looga faa’iideeyo dhammaan dalalka Qaaradda.

Ma’ahan markii ugu horresay oo shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Africa lagu qabto dalkaasi Rwanda.