Hamiga Oromia iyo Imatinka Abiy

In PM Abiy qabsaso kursiga Prime Ministerka Oromo ma waxyeelo mise wax tar ayey u tahay? Waa arin seef labo afley ah.

Kuwii in ay go’aan ku taamayey, sida OLF oo kale, waa ka naxeen imatinka Abiy. Laakiin kuwao moodaya in Oromo awood gaar ah heshy ayaa la’dhacsan. Labaadas kooxood ee Oromada ahna Amxaaradu aad ayey u la socdaan waanay isku lisaayaan.

1991, wax-garadka amxaaradu way la shaqeeyeen TPLF, sabatoo ah haday TPLF iyo EPLF oo wada socday xiligaa Amxaaradu is dhaqdhaajin lahaayeen, Amxaarona culays la soo bixi lahay, Itoobiya gidigeedba waa la burburin lahaa.

Is afgaradka TPLF iyo wax-garadka Amxaarada ayaa ahaa in la daayo TPLF dalkana la isku hayo. Xataa Amxaaro baadiriga koowaad oy ilaa Minilik ayaku la haanjireen, TPLF ayaa loo dhaafay..

Sidoo kale, Itoobiya hada wey dumi lahay haan Abiy lakeeni lahaeyn. Amxaarana (elite) diyaar bay u tahay hadda in ay u sacabeeyaan ilaa inta uu leeyahay itobiya waan isku haynayaa. OLFna xukunka waa laga fogeeyey.

Ninka Amxaarka ee lugaha ka dhunkaday Abiy ayaa la weydiiyey oo la yidhii maxaad arinkaa u samaysay? sidatan ayuu ku jawaabay: wax kasta waan u samey hadii maata Abiy itoobiya badbaadinayo.

Tolow hadaba waa maxay xeelada Amxaaradu?

Hadaba, amxaaro rajo ma ka qabtaa in ay awoodu ku soo laabato? Haa. Hadii democraic doorasha ah la keeno, Amxaaro ayaa ugu rajo weyn afra sababood awgeed:

1. waa ugu mutacalimsanyihiin waanay vote gareeyaan
2. Magaalooyinka waaweyn oo dhan (Addis Ababa, Nasret, Dese, Jima, Diredhabe, Harar, Awasa) iyo meela kaloo badan Amxaarada ayaa ka badan Oromooda (Xataa magalooyinka Oromoda Amxaaradaa ku badan).
3. Waxaa qowmiyada banai naceen Oromo oo gadoodkeedii cabsi galisay qowmiyadihii ay kaashan lahaayeen, sida Gujim guregta, Welayta, Sidam, Soomaali, Canfar…) 1992, dagaldaii Dirdhabe ka dhacay Soomaali iyo Amxaaro ayaa meel ka soo wada jeestay iyakoo labadumba ka baaqay gadoodkii Oromoda.
4. Durba, sida foosha xun ee Abiy awooda u Oromeeyey ayaa waqcad ku noqotay.

Hadaba, Oromo waxana wey heshay, wax kaweynina waa ka lumeen. Imaatinka Abiy waa seef laba afleey ah oo Oromo lasoo daristay. Dhinacay jartaaba hamiga Oromo waxyeelo ayey ku noqon.

Faisal Roble