Dhacdooyinka ugu danbeeyey maanta iyo Jigjiga iyo dhulka Soomaalida Itoobiya

JIGJIGA IYO MAANTA
(Xog, War iyo Faallo)
1. Baarlamaanka Dowlad Degaanka ayaa maanta fadhi u ballansanaa 04/08/2018
2. Waxa jirey tuhun ah in ay ku dhawaaqi karaan Goonni u Goosasho (Secession)
3. Ciidamo Federal ah ayaa si ay uga hor-tagaan qabsoomidda shirkaas saaka la wareegay meelihii halbowlayaasha ahaa sida Aqalka Baarlamaanka, Madaxtooyada, Hoolka Qaryaan Dhoodaan ikk.
4. Ciidamada Federalka ayaa waxa ka horyimid dhalinyarada Ubaxa Kacaanka ee HEEGO iyo dadweyne abaabulan
5. Waxa mudaharaadayaashu cagta mariyeen hantidii ay lahaayeen qowmiyadaha Oromada iyo Amharada sida Bangigii weynaa ee Oromiya International Bank
6. Madaxweynaha Dowlad Degaanka ayaa dhufays ka dhigtay xarunta Liyu Booliska ee Jigjiga
7. Magaaloyinka waaweyn ee DDS Sida Godey, Qabridahar ikk ayaa sidoo kale ay ka dheceen rabshado
8. Ciidamadii Federalka ayaa ka soo baxay degmooyinkii iyo goboladii kale ee Dowlad Degaanka oo Jigjiga ku soo ururay.
9. Waxa illaa maanta shir uga socday Addis Ababa hoggaanka sare ee Xukuumadda Abiy Ahmed


10. Waxa la tilmaamayaa in ay suurta-gal tahay in 24 ka Saacadood ee soo socda la cumaamado Madaxweyne ku-meel-gaadh ah oo ka tirsan isla Xisbiga haya talada DDS ee XDSHSI. Kooxda Dulmi-Diid ee ku shirsan Diridhaba ayaa arrintaas dabada ka riixaya.
11. Waxa loo badinayaa laba Xisbi-yahan oo kala ah Amb Cabdifatah Axmed oo reer Qabri-Bayax ah iyo Abdillahi Yuusuf weerar (Abdullahi Ethiopia l) oo reer Qabri-Dahar ah.
12. Ciidamo Federal ah oo xooggan ayaa la filayaa in ay caawa ka soo gudbaan Kaaraamardha oo ay soo gaadhaan Jigjiga
13. Ciidanka Dowlad Degaanka ee Liyuu Booliska ayaa lagu qiyaasaa illa 18,000 oo Sooma-jeestayaal ah.
14. Sidoo kale Ciidanka Federalka Ethiopia ayaa xiligii Dagaalkii Maxkamadaha ee 2007 mar gaadhay 500,000 askari, inkasta oo markii dambe la dhimay.
15. Cabdi Maxamed Cumar ayaa ku adkaysanaya ilaalinta Dastuurka iyo Sharciga Federalka Ethiopia, diiddana faragelinta hoggaamiyaha xoogga badan ee Dowlad Degaanka Oromada Ato Lemma Megersa
16. Qodobka 39aad (Article 39) ayaa u ogolaanaya Dowlad Degaanadu in ay Aayahooda ka tashadaan oo ay ka go’i karaan Ethiopia haddii Baarlamaanka Degaanku isku raaco.
17. Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa lagu eedaynayaa ku xad-gudub weyn oo xuquuqda aadamiga ah
18. Sida ay Human Rights Watch xaqiijisay Xabsiga Dhexe ee Jigjiga oo loo yaqaan Jeel-Ogaadeen qoyaastiina leeg Xabsiga Dhexe ee Hargeisa ayaa muddo aan fogeyn waxa ku jirey 35,000 oo Maxbuus (inmates)
19. Xiisad ba’an ayaa dhex-taalla labada qowmiyadood ee Ood-wadaagga ah ee Soomaalida iyo Oromada, colaaddooduna mudooyinkanba waxa ay ahayd mid joogto ah. Taas oo sababi karta colaad riiq-dheeraata ama muqaawamo Oromo diidnimo.
20. Mustaqbalka Cabdi Maxamed Cumar oo muddo dheer ahaa Aabaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa 24ka saacadood ee soo socda dul-saaran Sarar-gadaankeed ama (cliff edge).