Cabdi Maxamed Cumar oo markii ugu horeeysay Warbaahinta kasoo Muuqday.

Madaxweeynaha Dowlad deegaanka Cabdi Maxamed Cumar oo tan iyo Saaka aanan wax war laga heyn xaalkiisa iyo halka uu ku suganyahay ayaa waxa uu soo duubay Muuqaal Kooban oo laga sii daayay Telefeshanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Muuqaalkan laga soo duubay Madaxweeyne Cumar ayaa waxa ka muuqda diyaargaw la’aan baahsan waxa laga deehankaray in Cabdi Maxamed Cumar uu xilligan ku jiro Xaalad aan wanaagsaneen.

Madaxweeyne Cabdi Cumar oo si goos goos Codkiisa Warbixin Codeeysay oo Teleshinka laga soo daayay loogu soo darayay ayaa waxa uu sheegay in xaalkiisu wacan yahay, waxa uuna Bulshada ka codsaday in ay isdajiyeen.

Ilaa Waabirigii hore ee saaka Magaalada Jigjiga oo ah xarunta Dowlad deegaanka waxaa ka taagnaa xaalad cakiran kadib markii Magaalada inteeda badan ey soo galeen Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Xaalka Jigjiga wali ma wacna waxaana laga cabsi qabaa had iyo jeer in ay dhacaan iska hor imaadyo Ciidan.