Fariisimo Al-Shabaab oo Diyaarado dagaal duqeymo ka fuliyay iyo wararkii ugu dambeeyay.

Wararka aan ka helayno Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay saldhigyo iyo kontarool Al-Shabaab gaadiidka ay uga qaadi jireen lacago baad ah.

Diyaaradaha Dagaalka ayaa duqaymaha ka fuliyay inta u dhaxaysa deegaannada Goobaale iyo Baladul-Amiin oo ka tirsan G/Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay khasaare ka soo gaartay Al-Shabaabkii lala eegtay weerarka, iyadoo halkaasi ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad iyo saraakiil Al-Shabaab ka tirsan.

Taliska Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen ku cadeeyay in duqeyntaasi aysan wax khasaaro ah ka so gaarin, balse dad shacab ah ay ku dhinteen, kuwaas oo saarnaa gaari marayay meel u dhow deegaanka baladul-Amiin.

Dhanka kale Shabab ayaa dadka dhintay waxay magacyadooda ku kala sheegeen,Cabdi Samad Sheekh isxaaq,Cabdi Nuur Aaden,Cabdi Samad Xasan Yaroow, mana jiro waxwar ah oo dhanka Dolwadda ka soo baxay oo ku aadn Weerarkaasi.