MAQAAL XIISO LEH: MADAXWAYNAHA JABUUTI WAA INUU FAHMAA DANTA SOOMAALIYA INAY DANTIISU TAHAY

Dowladkastaa caalamka aan maanta ku nool nahay waxay leedahay maslaxad iyada u gaar ah, maslaxada gaarka ah waxay ku jirtaa maslaxada guud ee gobolka aad ku nooshahay. Isbadaladda siyaasadeed ee gobolka geeska Africa waa mid bilaawgeedi iyo dhamaadkeediba ayku lug lahaayeen dowladaha aduunka ugu waaweyn iyo qaramada midoobay, tasoo lagu soo af jaray dagaalkii u dhaxeeyay Ethiopia iyo Eritrea.

 

Siyaasadda cusub ee Geeska Africa waa mid loogu gogol xaaraaayo in gobolkaan Geeska Africa ee ku nool 250 milyan looga caawiyo nabad iyo hurumar dhaqaale, maadaama ay dib uga dhaceen Africada kale, sababta dib u dhacaasi u ah sal waa dagaalo iyo siyaasad xumo, aduunka waxay aamisan yihiin hadaan gobolkaan waxlaga badalin xaaladiisa inuu qatar ku yahay Africa iyo Caalamka intiisa kale.

Hadaba siyaasadaan cusub waxaan u arkaa inay Soomaaliya dan u tahay, marka ugu horeeyso waxay ka nasaneeysaa faragelintii ayku hayeen dowladaha deriska qaasatan Ethiopia, tasoo Soomaaliya ka dhigeeysa dal u madaxbanaan siyaasadiisa si uu dib uga kabto dagaaladii sokeey.

Waxay Soomaaliya arinkaan ka dhigi kartaa inay noqdaan hurmuudka gobolka ama dowladda 1aad ama 2aad Geeska Africa, waayo waxaan marnaba looga maarmin hurumarka iyo nabada gobolka, taasi oo sabab u ah dadkeeda iyo meesha ayku taalo awgeed. Nasiib daro waxa hubaal ah inta ay Soomaaliya ku jirtay dagaalka iyo qasaaraha waxaa aad uga faideeystay dowlado badan oo Africaan ah, waxayna dowladahaasi og yihiin mar hadeey Somalia ay soo gasho masraxa siyaasada inay luminayaan waxa ay hada haastaan, dowladahaas waxaa ka mid ah Jabuuti.

Heshiiska Ethopia iyo Eritrea waxay Jabuuti u aragtaa inay ku qasaareeyso, waayo waxaa Ethiopia u furnaayo laba furdadood ee Asmara iyo Asab, tasoo ay Jabuuti ku wayn karto dhaqaale badan, Jabuuti waxay kaloo ka cabsaneeysaa inay lumido saldhigyada ciidanada Mareeykanka oo ay u guuraan Eritrea ama Somalia.

Waxaan ognahay Madaxwayne Farmaajo Marka uu tagay Eritrea uu aad ugala hadlay madaxwaynaha Eritrea kuna tiri” Mar hadeey adiga Ethopia kuu tanaasushay adigana Waa inaad u tanaasushaa Jabuuti” si cad oo aan qarsoodi lahayn buu ugu sheegay Madaxwaynaha Eritrea, hadalkaasina uu ogolaaday una arkay inay macquul tahay, waana sababta hada looga casuumay madaxwaynaysha Kenya iyo Jabuuti Asmara.

Mareeykanka iyo Dowlado waaweyn waxay Eritrea ku qanciyeen haduu heshiiskaasi laga dhabeeyo in laga qaadi doono cuna qabateeynta, waxaana mar dhaw adis Ababa tagi doono xogayaha guud ee Qaramada Midoobay si cuna qabateenkaasi looga qaado waana arin mar hore laga shaqeeynaayay oo soo dhamaatay.

Hadaba Jabuuti way ku qaldan tahay inay Soomaaliya ku eedeeyso inay ka mid noqoto dowladaha Geeska Africa ee ku baaqay in cuna qabateenka laga qaado Eritrea, waayo waa arin aduunka oo dhan uu wado kamana hari karno aduunka. Jabuuti waa inay fahantaa xoojinta Jamhuuriyada Soomaaliya waa badbaadinteeda, Soomaaliya ayaa markii horeba u dagaalamnay inay xuriyad hesho, halka boqorkii Ethopia xayle Salaase uu ku doodaayay inay ka mid noqoto Ethiopia.

Inkastoo Jabuuti ay tahay walaal, waa inay fahantaa markii ay China siisay saldhig ciidan, ayadoo ay meesha uu ku leeyahay saldhig dowlada Mareeykanka aysan marnaba isku haayn karin labadaas dowladood oo ka dhaxeeya tartan dhaqaale iyo mid ciidan.

Waa inuu Madaxwaynaha Jabuuti uu fahmaa Soomaaliya uma xayirnaan karto dantiisa gaarka ah, waayo burbur kuma sii jiri karto waa inuu fahmaa hadeey Soomaali xoogeeysato inuu asagana guuleeysanaayo, waxaana diyaar u nahay inaan difaacno dalka Jabuuti, wuxuna ku qasban yahay inuu la qabsado siyaasada cusub ee Geeska Africa.

Soomaaliya danteena waa inay nabad lagu soo dabaalo dalkeeda la xoojiyo nidaamka dowladnimo tasoo Geeska Africa oo dhan dan u ah. Soomaalida waxay ku maah-maahdaa ” Midka tiisa daryeelo baa midkale ku daro”

Sheikhnor Abocar Qassim