Maqaal: GEERIDII CEYDIID MURUG MISE MASHXARAD…

Dunida Waxaa Dad Lagu Kala Saaraa Taariiqda, Xumaan iyo Samaan Iyadaa Xusta Xusuusna Gelisa,

Caalamka Majiro Nin Qaatay Magaca Dilaa oo aan Lahayn Taageerayaal ku Garabsiiya Howshiisa una Haysta Ama Ku Magacaaba Wadani, HITLER Kaligii Magaysan Xasuuq Waxaa Jiray Dad u Arkaya inuu Ahaa Halgamaa Wadani Ah.

Jeneral Maxamad Faarax Xassan ceydiid Waxa uu Ahaa Nin Muslim Ah oo Ashahaadanaya Allaha U Naxariisto, Aniga Waxaan Kamid Ahaay Dadkii Janaazadiisa Wax Karaacay Kadib Markii LA iisheegau in Janaazadiisa uu Tujinayo Sheeq Maxamad Macalin Xassan AUN oo ahaa Sheeq Caan ah Waxaan Ku Tixnaay Sheeqaas Kitaabka Tafsiirka uu Ka Aqrin Jiray Masiidka Laba Dhagax.

Waxaa Jiray Culumo Badan oo Durayay Sheeq MXamad kuna Dhaliilayay Salaata Janazada ee uu Ku Tukuday , Anigu Aqoon Badan uma Lahayn Dhinaca Diinta Balse waxaan Aaminsanaay in Sheeq Maxamad Cilmi u leeyahay in Lagu Tukan Karo, Anagoo Jameeco Badan ah Ayaan ku Tukunay Salaata Janaazada Masjidka lagu Magacaabi Jiray Cabdalla iyo Caawareero, AUN

allaha u Naxariisto Jenaraalkaas Naxariista Alle Cid Kama Xigto, Waxaanse Rabaa in Aan isweydiino JSNERAAL MAXAMAD FAARAX CAYDIID MUXUU AHAA? MA HALGAMAA? JALAAGE?

Anigu Waxaan Goob Joog u Ahaa in badan oo Kamid Ah Waxqabadkiisa oo u badnaa Xabad iyo xinjir Waliba Waxa uu Dilayo Yihiin Dadkiisa. Hadii Taasi Halgamaa Lagu Noqonayo Noo Wada Halganka!!!!!