Maqaal: Dekedda Garacad waxay isku xiri doontaa dekedda Gwadar ee Pakistan

DEKEDDA GARACAD: EEG SAWIRKA WEYN!

Dunidu waxay soo martay casriyo kala duwan oo saameysay nolosha iyo ilbaxnimada aadanaha. Xilli waxaa jirtay qolo walbaa tuuladooda ey ku koobneyd iyagoo u heysta inaan duni kalaba jirin. Isku dhacyadii dagaalada waa weyn ee dunida iyo dagaalada sokeeye waxay ahaayeen naxariis iyo naruuro, taas oo dhalisay dhaqdhaqaaq iyo isdhexgal bulshooyinka dunida ku nool iyo bulshooyinka hal waddan ama hal gobol ku dhaqan, aadanaha u fiiqday aragiisa si uu u arko sawirka weyn. Ka hor dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee dunida dadku isma dhexgeli jirin, qolo walbaana waxay rumeysneyd in tuuladoodu ka wacan tahay tuulooyinka kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira qaanuun Rabbaani ah oo Rabbi koonka u dhigay kaas oo ey culumada sayniska ku magacaabaan ‘HORUMAR, [DEVELOPMENT]’ ama ‘HORUMARKA AADANAHA, [HUMAN DEVELOPMENT]’. Qaanuunkaan waxaa qasab ah inuu hirgalo, haddii kale aadanaha wuu hallaagsamayaa. Qaanuunkaan wuxuu lamid yahay qawaaniinta kale ee koonta sida; qaanuunka cuf-isjiidadka, qaanuunka geerida, qaanuunka xaraarada, qaanuunka koritaanka ilmaha IWM. Tusaale, haddii ilmaha yari uusan koreyn oo koboca jirkiisa uu istaago wuu dhimanayaa, si taas lamid ah; haddii horumarka ilbaxnimada aadanaha ey istaagto aadanaha wuu hallaagsamayaa oo wuxuu si fool-ka-fool ah u hardinayaa ugu dhacayaa qaanuunka koonka Eebe u dhigay.

Ilbaxnimada iyo horumarka aadanaha waxay culumada sayniska la barbardhigaan sida ilma dhashay, deedna ilko usoo baxeen uu wax ku cunno, wax yar dabadeedna bartay sida loo istaago kufaa-dhac badan kadib, deedna bartay inuu talaabsado oo socodka barto. Kadibna uu bartay inuu hadlo, fikiro, gacmaha ka shaqeysiiyo, ilaa uu weynaado oo reer yagleelo awlaadna dhalo. Ilbaxnimada iyo horumarka aadanaha waa sida ilmahaas oo kale, waa ineysan kala joogsi laheyn ilaa qiyaamaha, haddii ey kala joogsato waxaa dhacaya waa hallaag.

Haddaba qarniga 21aad xagee ilbaxnimada iyo horumarka aadanaha joogaa? Dagaal weynihii 2aad ee dunida kadib, aadanuhu wuxuu bilaabay inuu isdhexgalo, isbarto, isweydaarsado aqoon, ilbaxnimo, ganacsi iyo dhaqan. Waagii hore, xiriirka aadanaha wuxuu ku ekaa xiriir heer dalal, laakiin sidii looga adkaaday quwaddii Soofiyeedka waxay ilbaxnimada aadanaha gashay marxalad cusub oo loo yaqaan CAALAMIYEEN afka qalaadna lagu yiraahdo GLOBALISATION. Caalamiyeentu waa geedi-socodka isdhexgalka bulshooyinka caalamka, shirkadaha ganacsiga iyo dawladaha iyadoon la mareyn baratakool dawladeed. Tusaale, adigoo Puntland jooga ayaad xiriir ganacsi la sameyneysaa shirkad degen lagana leeyahay dalka Shiinaha, adiga uma baahnid inaad ruqsad ka qaadatid dawladdaada shirkadda Shiinahana uma baahna iney ruqsad ka qaadato dawladdooda. Internet unbaad fariisan ama telefoon, lacagtooda ayaad u shubi deedna alaabtaada ayaa muddo yar kuugu imaaneysa.

Haddaan u imaado dhismaha dekedda Garacad, maadaama dunidu ey gashay casriga Caalamiyeenta [Globalisation era] waxaa laga maarmaan ah in la dhisto oo la sameysto agab walba oo marxaladdaan la jaanqaadi kara. Umaddii aan u diyaarsaneyn ama aan aqbali karin casriga Caalamiyeenta waxay ka hor imaanayaan qaanuunka kooniga ah weyna hallaagsamayaan si walba oo ey u salaadaan ama u soomaan. Sababtoo ah, qawaaniinta kooniga cidna uma joojiso mana eegto dadka diintooda ama dhaqankooda, ee waxay eegtaa waa dadku diyaar ma u yihiin. Tusaale, haddii ilma yar uu daar 10 dabaq ah kasoo dhaco wuu dhimanayaa, sidoo kale haddii shiikh cibaado badan uu kasoo dhaco daar 10 dabaq ah wuu dhimanayaa, sababtoo ah waxaa qabanaya waa qaanuunka cuf-isjiidadka oo aan eegeyn diinta qofka ama da’diisa ama wanaagiisa toona.

Aadanaha waxaa in muddo ah horboodayay reer Galbeed oo uu hogaaminayo Mareykan. Imminka waxaa muuqata in awooddii dhaqaale ee reer Galbeedka guud ahaan, gaar ahaan tan Marekanka ey wiiqantay, taa beddelkeedana wadamo uu Shiinuhu u horeeyana ey madaxa lasoo kaceen. Shiinaha waa waddanka 2aad ee ugu hodonsan dunida, koboca dhaqaalihiisana wuxuu ku socdaa xawaaare aad u dheereenaya. Culumada ku takhasustay dhaqaalaha waxay qiyaasaan in dhaqaalaha Shiinuhu uu ka hormari doono kan Mareykanka sanadka 2030ka. Dhaqaalaha Mareykanka waxaa laf dhabar u ah shidaalka Carabta oo doolar lagu iibiyo ama waxa loo yaqaan petrodollar. Waxay culumadaan saadaaliyaan haddii la kala furo guntiga doolarka iyo batroolka in dhaqaalha Mareykanku uu hoos galayo muddo yar gudaheed. Taa bedelkeeda dhaqaalaha Shiinaha wuxuu salka ku hayaa oo laf-dhabar u ah wax soo saar, Shiinuhu waa warshadda adduunka ee wax walba dunida u sameysa. Badeecada ugu badan ee soo gasha dalalka reer Galbeedka waxay ka timaadaa Shiinaha.

Shiinaha intaas kuma ekaanin ee wuxuu qorsheeyay inuu la wareego iib geynta badeecadiisa una helo marino sahlan oo lacag yar ku kacaysa, dhaqsana u geyneysa badeecadiisa dunida oo dhan. Haatan dunida waxaa dhex u ah oo badeecada lagu kala wareegsadaa marsooyinka Imaaraadka, halkaas oo sanadkii lagu kala wareejisto malaayiin tan oo badeeco ah, eyna dekadaha Imaaraadka kusoo xirtaan kumanaan kun oo ah maraakiibta xamuulka ee dunida u kala gooshta. Shiinuhu wuxuu qorsheeyay inuu waxaas oo dhan beddelo, wuxuu qorshiisa ka bilaabay dhisidda shabakad waddooyinka tareemada xammuulka qaada, kuwaas oo kasoo baxa dhammaan warshadaha wax soo saarka ee Shiinaha—iyagoo badeecada geynaya dekedda adduunka ugu weyn ee Shiinuhu ka dhisayo magaalada Gwadar ee dalka Pakistan. Dekedda Gwadar waxaa la filayaa in dhismaheeda uu dhamaado bartamaha sanadka 2020ka.

Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu qorsheeyay marin badda mara oo uu ku magaacabay; suun & wado [belt and road] ama [the Silk Road Economic Belt] wadadii xariirka dhaqaalaha, taas oo ah marin isku xira dekedda Gwadar iyo dekedaha Afrika iyo caalamkaba. Sidoo kale, si uu marinadaas u ilaaliyo Shiinaha markii ugu horeysay wuxuu saldhig ciidan ka sameystay dalka Jabuuti. Dawladda Jabuuti ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ka faa’iideysata hiraalka Shiinaha, kadib markey fureyn irid badeecada Shiinaha laga geliyo Afrika—oo ey ugu magac darreen Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

Qorshahaan caalamiyeenta ee Shiinaha waxaa wax ku waayay waddamada Carabta sida; Iimaaraadka iyo Sacuudiga, waana sababta Imaaraadku u iibsanayo dekedaha Bariga Afrika si uu u hor istaago badeecada Shiinaha iney kasoo degto dekedaha Bariga Afrika.

Dekedda cusub ee laga dhisayo Garacad waxay ku jirtaa goobaha Shiinuhu bartilmaameedsaday maadaama ey si toos ah ugu beegan tahay dekedda weyn ee Gwadar. Marka la dhammeeyo dhismaha dekedda Garacad, waxay noqon doontaa irid weyn oo badeecadaha Shiinaha ee Afrika ku socdaa loo soo mariyo. Waxaan wada ogsoonahay waddamo badan oo dhaca Bariga Afrika sida; Koonfurta Suudaan, Ruwaanda, Ugaandha, Baratamaha Afrika, Itoobiya iyo qeybo badan oo kamid ah Kenya malaha bad ama wey ka fog yihiin. Dekedda Garacad waxay dabooli kartaa baahida dhowr boqol oo milyan oo Afrikaan ah, waa haddii si wacan loo dhiso—qorshe iyo suuqgeyn wanaagsanna loo sameeyo.

Dadka diidan dhisidda dekedda Garacad ha eegeyn sawirka weyn iyo hiraalka fog. Dunida waa kasoo gudubtay xilligii hal meel looga talin jiray, aadanuhunna waa kasoo gudbay xilligii hore. Waxaa casrigaan caalamiyeenta badbaadaya umaddii weelashooda badsata oo si caqliyeesan uga faa’iideysata. Ummadba ummaddeey ka weelal badan tahay [yacnii dekado] waa ka fursad wanaagsan tahay. Ummadda Soomaaliyeed iyagoon is-jilaafeyn oo is-ximin, haka faa’iideysteen shabakadda ‘belt & road’ ee uu Shiinuhu dhisayo, dhammaanteen wey naga farabadan yihiin.

Gababadii iyo gunaandkii, waxaa jira dhigaalo aan dhowr sano ka hor qoray oo aan ku celceliyay in umadda Soomaaliyeed ey heesato fursad dahabi ah oo aan ummad heesataa dunida lagu arag, fursaddaasna waa labada badood ee dhaca dhulka ugu istiraatiijisan ee dunida. Ummadda Soomaaliyeed waa iney muruq iyo maalba isugu geysaa dhisidda dekedo badan, kana faa’iideysataa daadka caalamiyeenta ey dabaysha dhankooda usoo riixeyso. Waa in la dhisaa dekedaha; Garacad, Eyl iyo Hobyo; lana casriyeeyaa kuwa dhisan sida Boosaaso, Muqdisho, Kismaayo iyo Berbera. Sidoo kale, waa inaan ka fogaanaa inaan tigid u goosanno dooni degaysa [yacnii waa inaan ka fogaynaa in wadamada Carabta ey lug ku lahaadaan dekedaheena, kuwa heshiiska lala galayna waa in laalaa].

Fadlan #SHARE la wadaag asxaabtaada.

WQ: Abdiaziz Arab