Hadal Taariikhi ah: “Waa noolyahay madaxweynaha, geeri kama muuqan, inuu iga qarsaayase ma ogi”.

Maxamed Qanyare Afrax, wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulkii salballaar ee Jen. Caydiid.

Ayadoo la isla dhex marayo dhaawaca soo gaaray jananka ayaa waxaa wariyaha BBC ee waagaas Siciid Cali Muuse wuxuu isla habeenkii waraysi ka sallaxday Qanyare oo inkiraya geerida Caydiid. Waqtigaas wax yar ka hor BBC waxay soo deysay codka Caydiid oo leh, “Alle dile ayaa dhinta, weli waan noolahay”.

Siciid ayaa su’aal ku boobay Qanyare, “wararka na soo gaaraya waxay sheegayaan in jeneraalka uu geeriyooday, maxaa run ka ah?”.

Qanyare oo su’aalo kulul lagu karbaashay ayaa markii dambe war aan macquul iahayn sheegay:

“Waa noolyahay madaxweynaha, geeri kama muuqan, inuu iga qarsaayase ma ogi”.

Baqbaqa muu ka qishtay muuqaalkiisa ma ogi…

Xitaa 1996, qabiil ma jirin ee waa la buunbuuniyaa mar walba. Caydiid waxaa dilay qaraabadiisa, Qanyarena difaac buu u ahaa!

Siyaasiyiintu ma rumeysna qabiil, ee shacabka ayay beer laxawsi uga raadsadaan!.

Hassan Adan Hosow