Dowladda Jabuuti ayaa walwal xoogan ka muujisay xiriirka Somalia iyo Eritrea

Dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa wal wal aad u xooggan ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka soo yeeray ee ahaa in Eritrea cunaqabateynta laga qaado, kaddib safarkii uu dhowaan ku tagay dalka Eritrea.

War saxaafadeed kulul oo ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa walaac looga muujiyay hadalka Madaxweynaha, iyadoo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Aadan uu saaka ka dhoofay Muqdisho.