Eritrea waa Dal noocee ah…..!?

Dalka Eritrea waxaa loo yaqaan jamhuuriyadda Eritrea waxaana  uu ka mid yahay wadamada ku yaala geeska Afrika wuxuuna xaduud la leeyahay dalalka Jabuuti, Ethiopia Sudan iyo badda cas.

Eritrea oo ah dal siyaasad ahaan 20 kii sano ee lasoo dhaafay aad u xir xirnaa dadkiisa waxaa lagu qiyaasa 5 million oo ruux sida ay muujinayso qiimeyntii u dambeysay ee la sameeyay .

Dadka Eritrea waxaa la aaminsanyahay in in ka badan 55% ay kasoo jeedaan qawmiyadda Tigreega oo xataa dega dalka Ethiopia.

Calanka dalka aanu ka hadlayno ee Eritrea waxaa uu ka kooban yahay midabada Cagaar buluug iyo casaan ama gaduud dhexdana ku leh goobaabin wareegsan oo sida caleenta u sameysan ubaxna ku dhex yaal.

Caasimada dalka waxaa la yiraahdaa Casmara waana magaalada wadanka ugu weyn dadka ku nool caasimada waxaa lagu qiyaasaa 800 oo kun oo qof.

Luuqadaha dalka looga hadlo ee dawladu ku shaqaysana waa Afafka Tigreega Carabiga oo luuqada 2,aad ah iyo Ingiriiska hase ahaate waxaa jira luuqado kale oo dalkaasi looga hadlo.

Gaadiidku waxay isku dhaafaan dhanka midig lacagta dalka laga isticmaalana waxaa la yiraahdaa Nakfa.

Dadka luuqadaha yaqaan waxay aaminsan yihiin in Magaca  Eritrea uu asal ahaan ka yimid afka Gariiga marka la macneeyana waxaa uu noqonayaa Badda Cas.

Taariikhyahanadu waxay sheegaan in dalkaan ay ka talin jirtay boqortooyadii la oran jiray Aksum oo xukunkeedu gaarsiisnaa illaa Qaybo ka mid ah waqooyiga dalka Ethiopiya hase ahaatee Talyaaniga ayaa qabsaday sanadku markuu ahaa 1890.

Markii Talyaaniga lagu jabshay dagaalkii 2,aad ee adduunka 1942 Eritrea waxaa qabsaday Ingiriiska oo xukumayay illaa laga soo gaaro 1952.

Fadhi xubnaha golaha guud ee Q,M yeeshay sanadkii 1952 waxaa lagu go’aamiyay in Eritrea ay noqoto is maamul gooni ah waxaana loo sameeyay baarlamaan gooni ah laakiin hawlaha arrimaha dibbadda iyo gaashaandhigaba waxaa la hoos geeyay dalka Ethiopia.

Sanadkii 1962 Dawladii Ethiopia ayaa kala dirtay baarlamaankiii ismaamulka Eritrea waxaana ay ku dhawaaqday in Eritrea ay uu ka mid yahay dhulka Ethiopia waana taas tan keentay in la aas aaso jabhadii hubeysneyd ee la oran jiray EPLF jabhadda xoreynta dadka Eritrea.

Sodon sano oo ay jabhaddaasi dagaal kula jirtay dawladii Ethiopia sanadkii 1991 waxay qabsadeen magaaladda caasimada ah ee Asmara ugu dambeyna 24 bishii May 1993 waxaa lagu dhawaaqay in Eritrea yahay dal madax banaan waana la aqoonsaday.

Dalkaan hadda waxaa uu xubin ka yahay Ururka Midawga Africa, ururka Jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD inkastoo ay ka baxeen markii ay ciidamada Ethiopia soo galeen Soomaaliya.

Waxyaabaha laga diwaan galiyay waxaa ka mid ah in tan iyo madaxbanaanidiisii ay ka dhicin wax doorasho madax banaan hay’adaha xaquuqda aadanahana waxay u aqoonsan yihiin dal ay ka dhacaan xadgubyo bini’aadanimada ka baxsan.

Adduunka oo dhan dalkaan waxaa uu ka yahay dalka 2,aad ee canshuur laga qaado qofka muwaadinka ah dalka kalena waa Maraykanka waana waajib inuu qofku baxsho adduunka meeshuu doono haka joogee.

Waxaa dalkaan qasab ah in qof kasta oo qaan gaar ah uu qaato tababar ciidan si haddii loo baahdo uu ciidamada ugu biiro waana taas keenta in inta badan dadka dalkaas u dhashay marka ay fursad u helaan inay dalkaas ka baxaan ay iska dhiibaan dalalka ay tagaan.

Sidoo kale waa dalka labaad ee ay ka jirin wax warbaahin madaxbanaan ah waxaana ka horeeyay Kuuriyada waqooyi.

Xukuumadda Eritrea waxay xiriir saaxiibtinimo la leedahay dalalka Brasil, Finusweella iyo Turkiga.

Q,M ayaa cuna qabatayn dhaqaale dalkaan saartay kadib markii lagu eedeeyay inay hubeeyaan ururka Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan iyo ururo kale oo Ethiopia la dagaalama sidoo kalena ay hoy siiyeen ururkii xoreynta Soomaaliya oo xilligaas diidanaa joogitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya.

Xagga ciidamada haddaan eegno dawladu awooda iyo dhaqaalaha ugu badan waxay ku bixisaa ciidamadeeda militryga waxaana ciidamada dalkaas lagu xasuustaa dagaalkii ay la galeen ciidamada Ethiopia 1998 illaa 2000 kaasoo galaaftay nolosha 80 kun oo ruux.

Dawlada Eritrea waxay aaminsan tahay in askarta kaga geeriyootay dagaalkaas oo socday muddo 2 sanno ah 19 kun oo askari.

Tan iyo madaxbanaanidiisii dalkaan waxaa M/weyne ka ah Issias Efewerki oo dhashay bishii February sanadkii 1946.

Efewerki waxaa uu hogaaminayay ciidamadii qabsaday caasimada Asmara 1991 waxaana uu hogaamiye u ahaa jabhaddii EPLF.

M/weynahahaan hooyadiis waxaa ay kasoo jeedaa qawmiyadda Tigreega waxaana ay habro wadaag ama ilmo habreed yihiin R/wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawe.

Sanadkii 1965 Waxaa uu galay jaamacadda Injineeriyadda Xayle Salaase haddase loo yaqaan jaamacadda Addis-Ababa.

Dhaqaalahana dalkaan oo aan dhaqaalo badan lahayn haddana dawladu waxay daqli badan ka heshaa beeraha iyo dhoofinta xoolaha.

Dhanka diimahana dadka Eritreanka badankood waa masiixiyiin waxaana masiixiinta ay bulshadda dalkaasi ka yihiin 50%

Islamkuna waa diinta 2aad ee dadka ugu badan haystaan waxaana muslimiinta Eritrea ay bulshadda ka yihiin 48% waxaana masaajida dalkaasi ku yaala ka mid ah masjidka Sh, Xanafi oo la dhisay qarnigii 15,aad.

Dadka dhaqanka diinta ka dhigtayna waxay bulshadda dalkaasi ka yihiin 2% sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ay diyaarisay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka sanadkii 2011.

Dhaqan ahaan dadka Eritrea waxay cunaan raashinka laga sameeyo dallagyada baxa hilbaha xoolaha kaluunka hase ahaatee waxaa dhaqan u ah oo aad dalkaasi looga cunaa canjeerada daafida la yiraahdo.

Cayaaro ay ka mid yihiin kubbadda cagta orodada iyo tartanka baaskiiladda ayaa aad looga xiiseeyaa.

Taariikh weyn kuma laha cayaaraha kubbadda cagta hase ahaatee cayaartoyda ororada ayaa dunnida magac ka leh.

Zersenay Tadese oo ah orodyahan Eritrea u dhashay ayaa haysta rikoorka orodada nus maaradoonka adduunka.

W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com