Xildhibaan katirsan baarlamaanka Israa’iil oo isu casilay sharci dhawaan la ansixiyay darteed

Xildhibaan carab ah oo ka tirsan baarlamaanka Israa’iil ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu ka carooday sharci ay meel mariyeen xubnaha baarlamaanka oo dhigaya in Israa’iil ay tahay qaran ay leeyihiin dadka Yuhuudda.

Zouheir Bahloul, 67 jir ah ayaa ku tilmaamay xubnaha baarlamaanka Israa’iil cunsuriyiiin dhibaata gaysanaya oo ansixiyay sharci kasoo horjeedo in luqadda Carabiga ay ahaato luqadda rasmiga ah ee Israa’iil.

Wuxuu u sheegay telefishinka Israa’iil ee Reshet in sharcigan uu bulshada carabta ka saaraya xaqii ay ku lahaayeen Israa’iil.

Hindise-sharciyeedka ay qalinka ku duugeen baarlamaanka Israa’iil waxaa caro iyo dibadbax ka muujiyay bulshada carabta laga tiro badan yahay ee halkaasi ku sugan.

Sidoo kale xubnaha baarlamaanka carabta ee Israa’iil ayaa jeexjeexay hindise sharciyeedka, waxayna ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan sharcigan ka hor inta aanan laga saarin kalfadhiga.