Qarax gaari oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay degmada Hodan, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafada loo yaqaano Galmudug degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana gaariga qarxay la sheegayaa inuu ahaa gaari yar ay saarnaayeen askar.

Wararka horudhac ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nuuca lagu xiro gaadiidka ee loo yaqaano dhejiska.

Hal askari ayaa ku dhintay, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, sida ay sheegayaan warbaahinta Maxaliga ee Muqdisho.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana todobaadkii hore lagu dilay mas’uul ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, kaddib markii gaarigiisa loogu xiray.