Kenya oo ciidamo gaar ah ku soo daabushay Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa ciidamadeeda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Antateera waxaa maal-mihii ugu danbeeyay ee ku soo daabuleysay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Goobaha sida gaarka ah loogu arkay ciidamada ayaa waxa ka mid ah aga-gaarka dagmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo dagmada Dhoobley ee gobolka jubbada Hoose.

Arintaan ayaa cabsi weyn ku abuurtay shacabka ku dhaqan goobaha lagu arkay ciidamadaan maadama sida la sheegay ciidanka dad ay horay u kaxeysteen ilaa iyo hadana la la’yahay.

Dhawaan ayaa ciidamada loo yaqaan Antateera waxa ay ku gubeen xarrun shirkadda Hormuud ay ku laheyd aga-gaarka dagmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.