Erateriya uurka ka ogsooni!

Maalintii ay xornimodoonka iy xaq u dirirka ahaayeen garab iyo gacan ayaan siinnay. Waa aragtiyadii gobannimada, oo hadda dunida ka sii gabaabsi ah, duruufo is badalay iyo dano is galay awgeed.

Adduunyadu waa meertoo, gobina jab waa taqaane, anagoo burbursan saddax sano, ayey xornimo ka qaateen Itoobiya, in ka badan soddon sano oo mintidnimo ah ka dib.

Sidii Meles Zenaawi, abaalkii aan u galnay iyo hoy iyo hoyaad siiskii markii uu ahaa jabhadka ku kacsan Mengistu Haile Mariam, u ma daadin.

Dadkeennii ku qaxay dalka Erateriya, waxay ka heleen soo dhaweyn aysan ka helin dalalka kale ee dariska. Ka muhimsane, waxaa loo la dhaqmay, sida muwaadiniinta oo kale.

Waxay ka nolol qurxan yihiin kuwii dalka ku haray ama dariska kale aaday, maxaa yeelay, nolol waa in aad nabad ku joogtaa, oo aadan dareen qabin, taana Erateriya qof walba oo tagay weri.

Markii Meles uu ku soo duulay dalka, isaga oo wata tabcanayaashii Tigreega, Erateriya waxay eheed dalka keli ah, ee gabbaad siyaasadeed iyo gaashaan nagu kabay.

Tallaabadaa waxay ku muteen ciqaab caalami ah iyo mid gobolka ah, balse, waa u dhabar adaygeen, maantana waa taas mirihii gurnaya, oo ay ka mid tahay, in Soomaali madax ka socota ay Asmara joogaan, iyaga oon fallaago ahayn.

Dad badan oo waxaan arkaa, Erateriya ku suntaya, in ay taageerto argagixisada, oo ka dhigan, in ay qaateen aragtida reer galbeedka ama Itoobiya.

Dal aan Shabaab taageerin dunida maba ku yaal, haddana, waxa nimankaa loo raacdaysan waa maxaad Soomaali u garab istaagteen, intii Xabashidu xasuuqa ka wadday!

Ka warrama, taageerada Erateriya la’aanteed, sida uu noqon lahaa halgankii Xabashi la dirirka? Ka warrama, sida geeska Afrikaan ahaan lahaa, haddii Xabashi ku gacan sarrayn leheed dagaalka?.

Erateriya dal, dhul, bad, nabad iyo waxay is ku haysataa talo ay gobolka ku yeelan doonto, anaguna sidii baan Weli kaboqaad Itoobiyaan u nahay iyo adeegayaashooda. Dhulkii (Soomaali Galbeed) hadda dekado ayaa loogu daray! Allow adaa faxan.

Wax la arag, waxna laaban.

Bashiir M. Xirsi