Dalku wuxuu ku jiraa Marxalad adag, Ha quusan Weligaa.

Waa run noloshu waa adagtahay, waqtiguna waa socdaa, haka quusan in aad guul gaarto.

Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag, cadawguna waa badan yahay. Caruurtaada iyo jiilka cusub ayaa ka sii wadaya halkii aad Ku daashay, haka dilin qalbiga dhalinyarada,u sheeg in guusha la gaari Karo.

gabyaagii masaarida Axmed Showqa ayaa yiri: (wamman lam yuxibo sucuudal jibaal yacish abadda dahri beynaal xufar).
(Ninkii aan jecleeyn in uu buura fuulo weligii godadkuu ku noolaadaa).shiinaha ayaa Ku maahmaaha guuldaradu waa bilawga guusha.wixii aad ku guuldareysatay cashar ka dhigo horena uga soco.

Jiilka cusuboow wadanku waa idiin baahan yahay adinkuna waad u baahan tihiin. waxaad dhalatay adiga oo gacantaada faraheedu laaban yihiin sida qof feer u duuban yahay,ma aadan dhalan gacantaada oo furan, waxa aad bilaawaday qaylo & ooyin si aad u muujiso in aad rabto wax kaa maqan in aad hesho.

Waxbaa ka karsamaya wadamada deriska iyo saaxiibadood, faham, haka quusan danta dalka, halka aad ku daasho u sheeg wiilkaaga iyo walaalahiisa somaliyeed in ay halkaa ka sii wadaan. Raxmada Alle lagama quusto (laa taaqnaduu min raxmati laahi).

Maslaxadaada iyo tan dalka haka quusan, ka sii wad halkii Awoowayaashii hore gaarsiiyeen,una gudbi jiilka cusub, ha niyad jabin.

Qore: yahya Amir