AL-Shabaab oo Xukun Ku Fuliyay Nin Sunta Jiirka Raashin Ugu Daray Wiil iyo Aabihiis

Maxkamadda Xarakada A-shabaab ee Degmadda Saakow ee Gobolada Jubbooyinka ayaa Xukun dil ah ku fulisay nin hore u dilay wiil iyo aabihiis.
Xukunka dilka ah ayaa lagu fuliyay Cali Max’ed Cali oo 51 sano jir ah, kaas oo dilay wiil iyo aabihiis oo lagu kala magacaabo Aadan Cali Nuur (waa Aabaha) iyo Cali Aadan Cali (waa Wiilka), kadib markii uu sunta jiirka ama(Dooliga), ugu daray Raashin.
Gudoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Goboladda Jubooyinka ayaa sheegay in arintaan ay ka dhacday tuulo hoos tagta magaalada Saakow,islamarkaana Cali Max’ed Cali uu qirtay in falka uu ku kacay.

Aqrinta Xukunka Maxkamadda Al-shabaab ka dib, ayaa xukunka dilka lagu fuliyay Cali Max’ed Cali,waxaana kasoo qeyb galay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha Degmadda Saakow.