Shir looga hadlaayay horumarinta tacabka bariiska dalka oo lagu qabtay Jowhar

Waxaa magaalada Jowhar markey taariikhdu ahayd 26 July 2018 lagu qabtay shir looga hadlayay horumarinta tacabka, warshadaynta iyo suuq geynta bariiska dalka. Jowhar waa meesha keliya ee bariis laga beero dalka muddana caan ku ahayd.

Shirka waxaa aad loogu falanqeeyay muhimadda uu bariiska dalka leeyhay iyo horumarintiisa. Aqoon yahannadii casharrada ka soo jeediyay shirka ayaan ka mid ahaa taliye dhinaca beeraha u ahaa shirkadda beeralayda oo ku hawlan horumarinta tacabka beeraha guud ahaan gaar ahaanna dalaga bariiska waxaan ka hadlay taariikhda bariiska Jowhar, dhibaatooyinka haysta tacabka bariiska iyo fursadaha jira ee looga faa´iideysan karo.

Shirku wuxuu socday muddo hal maalin ah wuxuuna ku soo gebageboobay guul.