Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo la kulmay nin afgambiyo ka dhicisooway

Abiy Ahmed Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo hadda ku sugan dalka Maraykanka ayaa la kulmay Berhanu Nega.

Ninkaan sannadkii 2009 lagu xukumay dil isaga oo dalka ka maqan, waxaana lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu afgambiyo dawladda.

Ururka Ginbot7 ee uu hoggaamiyo Berhanu ayaa argagixisada lagu daray, isla markaasna sharci darro ka ahaa dalkaas.

Balse baarlamaanka Itoobiya ayaa liiska argagixisada ka saaray, sharciga cusub ee saamaxaadda ayaana wadda u xaaraya cafintiisa.

Arrimahaas ayaa qayb ka ahaa tiro isbadallo ah oo Itoobiya ka dhacay tan iyo intii uu Abiy ra’iisulwasaare noqday bishii Abriil.