Maqaal: Safarkii lagu bahdilay shacabka reer jabuuti

Madaxweyne Farmaajo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Dowladda Eriteria ayaa iyaduna waxay cadaawad xoog lihi kala dhexeysaa dalka jabuuti ee walalaha nahay, waxaana horay u dhex maray dagaal faraha looga gudbtay oo ay dad badani kaga dhinteen Labada dhinac, waxay isku hayaan dhul ay xoog ku doonayso Dawlada Eriteria iney sheegato.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu baajiyo safarka uu ku tagayo Magaalada Esmara maadaama ay jirto xiisada ka dhaxeysa Eritrea iyo Jabuuti oo sii kordhaysa.
Dowlada Erirtea ayaa ciidamadii ugu badnaa soo dhigtay xadka kala dhaxeeya Jabuuti, iyadoo arintaas ay caro galisay Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doonayay in Soomaaliya ay la safato oo Eritrea dhulka ay dooneyso inay xoogga ku qaadato si wadajir ah ula dagaalamaan.

Waxaase Madaxweyne Farmaajo u sheegay in muhiim ay tahay xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan Eritrea, Dawlada jabuutina bahdilay markii uu codsiga ka diiday.

Farmaajo waxaa uu noqon doona Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee dalka Eratrea tagga, Soomaaliya iyo Eratrea kama dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

Maadama ay Eratea taageero weyn u hayso kooxda alshabaab iyo kooxaha argigisada ee ka howlgala dalka, waxaana beesha caalamka ay dhowr jeer sheegtay in Erertira ay la shaqeyso kooxda Shabaab.

Safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tagay wadanka Eriteriya waa safar khaldan oo qar iska tuur ah waxaana uu dagaal cad ku qaaday dawlada walaalaheen ee Jabuuti oo wax badan natatay.

Dawlada Jabuuti waxay awood u leedahay in qalalaaso ay geliso rajada Soomaaliya taas oo ah hadey ciidamadeeda ka tirsan AMISOM ay kalax baxdo Gobalka hiiraan oo ay xiriirka u jarto dawlada Faderaalka ee Soomaaliya sow kuma sax sana?
Haday la safato mucaaradka dawlada Farmaajo ka soo horjeeda saw kuma saxsana, Dalka Soomaaliya dadka ku dhex nool, dawlad u dhaxaysa ma laha, dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waa dawlad aan awood lahayn oo magac ahaan u jirta codsigii dawlada jabuuti wiideeday.

Waa inaan xaqiiqda taabanaa Caqliga magasho jabuuti waxaa ka wanaagsen dawlada Eriteriya oo danta soomaaliyeed ku jirtaa.

Waa in Fakirka noocan ah lagu dhaleeceeyaa madaxweyne Farmaajo, waa Go’aan khalad ku ah shacabka soomaaliyeed waqtigan, dhibaatada safarkaa ka soo raacda dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waqtiga ayaa noo sheegi doono.

W/Q: Danjire Mahamed Caalim
Email: Caalim68@hotmail.com