Maqaal: 30 sano kadib Geeska Afrika ma Soomaali baa hormuud u noqon doonta mise Itoobiya ?

Xaallada hadda taagaan dad badan ayaa su’aasheyda qariib u arki kara laakiin aniga ahaan waxaan aamminsanahay in Itoobiya aad u adag tahay in uu ka hirgalo nidaam dowladnimo oo dimoqraadiyad, cadaalad iyo sinnaan ku dhisan.

Taariikh ahaan weligood ma yeelan haddana iima muuqato. Itoobiyaanku waa qoomiyado kab kab ah oo dhaqan iyo diin ka dhaxeyn, waxeyna weligood ku hoos noolaayeen nidaam keli talis ah oo ku dhisnaa cabburin, dil iyo cabsi gelin. Waxaa 100 jeer ka fudud in Soomaalidu heshiiso, midowdo oo ay dhisataan dowlad dimoqraadi ah oo loo simman yahay tasoo hormuud u noqon karta Geeska Afrika.

Ilyaas Mohamud Hussein