Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea, iyadoo booqashadan ay noqonayso middii uu horreysay oo Madaxweyne Somalia ah uu ku tago waddanka ku yaalla Geeska Afrika.
Wafdi madaxweynaha Somalia ayaa waxaa garoonka Asmara uga hor-tagay xubno uu hoggaaminayo madaxweynaha dalkaas, Issias Afwerki, iyadoo la suray waddooyinka muhiimka ah ee Asmara calammada Somalia iyo Eritrea.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo qaadan doonto muddo saddex maalmood ah ayaa waxay labada dhinac uga hadli doonaan xiriirka u dhexeeya labada waddan oo la sheego inuu yahay mid muddo fog soo jiray.
Eritrea oo xorriyadeeda ka qaadatay dalka Itoobiya sannadkii 1994-kii, ayaa waxaa muddo dhawr sannadood ah saarnaa cunno-qabteyn dhanka hubka ah oo ka dhalatay eedeymo ku aaddan inay taageerto Al-shababa oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, balse xukuumadda dalkaas ayaa iska fogeysay eedeymahaas.
Sdioo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Afwerki ayaa lagu wadaa inay isla soo qaadaan muddada saddexda maalmood ah sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee Gobolka Geeska Afrika iyo in laga shaqeeyo horumarka waddamada ku yaalla gobolka.
Dhanka kale, Booqashada Farmaajo ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii si lama filaan ah uu u soo af-jaray colaaddii u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas, Abiy Ahmed Ali oo sheegay in dalkiisa uu doonayo inuu xiriir wanaagsan la sameysto dalka ay jaarka yihiin.
Ugu dambeyn, Socdaalkan ayaa noqonaya kii uu madaxweyne Somali ah ku tago dalkaas tan iyo markii uu xoroobay dalkan ku yaalla badda cas, iyadoo la filayo in booqshadan kaddib ay labada madaxweyne soo saaraan warbixin ay ku mideysan yihiin.
Welcoming Somalia's President in Asmara, Eritrea
ኣቀባብላ ፕረሲደንት ሶማል ኣብ ኣስመራWelcoming Somalia's President Mohammed Abdullahi in Asmara, Eritreahttp://www.eastafro.comAsmara, 28 July 2018- The President of the Republic of Somalia arrived in Asmara at mid-day of today, 28 July, for three-day official visit to Eritrea at an invitation of President Isaias Afwerki.Upon arrival at the Asmara International Airport, President Mohammed Abdullahi was accorded warm welcome by President Isaias Afwerki and senior Government and PFDJ officials.Hundreds of thousands of Asmara residents also turned to the streets of the city to greet President Mohammed Abdullahi and his delegation.The Somali President is accompanied by the Ministers of Information, Culture and Tourism, Transportation, Construction as well as State Minister at the Somali Ministry of Foreign Affairs.During his stay in Asmara, President Mohammed Abdullahi will discuss with President Isaias Afwerki on the development of bilateral relations between the two countries and on regional issues of interest to both countries.President Mohammed Abdullahi will also visit various developmental sites.
Posted by EastAfro on Saturday, July 28, 2018