Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Xirnaa Indho-Shareer

Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada maamulkaas ay gacanta ku dhigeyn Wiil dhalinyaro ah oo xirnaa Indho-Shareer.

Wiilkaas ayaa  xilliga la qabanayey waxaa uu saarnaa gaari,waxana lagu qabtay koontoroolka laga soo galo Magalada Garoowe,iyada oo la geeyey Xabsiga dhexe ee Magaaladaas.

Saraakiil ka tirsan Booliska puntland ayaa waxa ay sheegeen in wiilkaas watey Indho-Shareerka ay uga shakisan yihiin in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab,isla markaana ay baaritaan ku sameyn doonaan.