C/rashiid Xasan Xaashi oo Gaalkacyo lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Sarkaal hore oo ka tirsanay Ciidamada Birmadka ee maamulka Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Xasan Xaashi kaas oo la dilay sida wararka soo baxaya ay tilmaamayaan asaga oo ka soo baxayay Masaajid ku yaala magaalada.

Kooxdii dilka geystay ayaa baxsaday sida dadka deegaanka ay u xaqiijinayaan KNN. Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay dilka xalay kooxo hubeysan ay u geysteen Sarkaal hore oo ka tirsanay Ciidamada maamulka Puntlandi.