Booqashada Madaxweynaha Ee Eretrea Waxaa ka dhalan kara.

1- Nabadda dalkeena oo soo hagaagta maadaama Eretria lagu eedeyn jiray In ay taageero siiso qolooyinka ka soo horjeeda nabadda iyo Dowladnimada Dalkeena.

2- Xiriirka dowladaha Djibouti iyo Eretria oo Madaxweyne farmaajo kaalin Fiican ka qaadan karo isfahankooda maadaama khilaaf u dhaxeeyo.

3. Maadaama Eretria dib boorka uga jafi doonto kursigii ay ku laheyd IGAD. AU waxa ay noqon kartaa saaxib taageero siiya Somaliya kadib booqashaadaan taariikhiga ah.

4- Waxaa jira qaxooti Somaliyeed oo ku xayiran dalkaas muddo dheer booqashadaan waxa ay keeni kartaaa In ay dalkooda dib ugu soo labadaan.

5- xiriirka Dalalka Geeska oo hagaaga waxa uu dhalin karaa isfahan, iskaashi iyo Horumar ay gaaraan shacabka wadamada geeska africa oo faqri, jahli iyo colaado ay halakeeyeen.

Abdirahim Ciise