Safarka madaxwayne Farmaajo ee Asmara labo faa’ido ayaa ku jirto hadii loo dhabbo galo:-

1. In uu ogaado xaqiiqooyinka la xariiro arinta lagu eedeeyo Eritrea ee ah in ay taageerto mitidiinta Soomaaliya. Hadii ay jirto uu xal waara ka soo hoyiyo, uuna ku qanciyo in aysan wax garab ah

2. Madaxwaynaha waxa uu haystaa door shariif ah hadii dhihgiisa uu ku qanciyo in uu kaalin wayn ka qaato waan-waanta dariskooda Jabuuti.

Asmara iyo Jabuuti khilaafka u dhexeeyo hadii uu sii socdo saamayn dhaqaale iyo mid darisba ku yeelanayaa dalalka Bariga Afrika oo isku xirnaantooda muhiim ay tahay.

Heshiiskooda waxa uu dhaxal gal u noqon karaa rajada Bariga Afrika ee la xariirto isku xirnaan dhaqaale, mid Bulsho iyo Amni.

Waan rajaynayaa in madaxwayne Farmaajo uu ka faa’idaysan doono waqtigiisa sidoo kalana uu abuuri doono fursado sahli karo hor u dhaqaajinta dowladnimada.

#QaranIyoQab #SafarkaNabadoonkaQaranka.

Ibrahim Haji