Caawa iyo Dayax madoobaadka qarniga (Dayax dhiig) – 27 Luulyo 2018 (kororso aqoontaada)

Arar: Jamcaha (27.07.2018), laga bilaabo 21:30ka fiidnimo, waxaa adduunka, marka laga reebo waqooyiga Ameerika, laga arki doonaa dayax madoobaadkii qarniga. Dayaxu wuxuu madoobaanayaa qiyaastii hal saac iyo 43 daqiiqo. Bilawga illa dhammaadkiisu waxay qaadan doontaa illaa afar saac.

Waxaa kaloo jirta arrin kaloo xusid mudan. Dayax waxaa hoosaasinaya dhulka, marka wuxuu u ekaanayaa casaan ama dhiig. Waa xaalad loo yaqaan „Blood Moon Eclipse“.
Dayax madoobadka ku xiga waxaa Yurubta laga arki doonaa aakhirka sanadka 2028. Keddibna facaha dambe, waxay arki doonaan 9ka Juun 2123 (xigasho: Wargayska Tages Anzeiger)
********************
Dayax iyo qorrax madoobaadyadu waa calaamado amaba dhacdooyin rabbaani ah. Ilaahay baa quraanka noogu sheegay in qorraxda, dayaxa iyo meerayaashu ay ku wada wareegayaan falagyo(orbits) oo ay nidaam, qaab iyo xisaab rabbaani ah ku socdaan.
Fiiriya aayadaha Quraanka ( 7:54 – 21:33 -55:05).

Waayadii hore, bani aadaanku waa ka baqi jireen, amaba siyalo kala duwan ayay u fasiri jireen. Xataa waagii uu noolaa Nebigu (CSS), dadku markay arkeen arrimaahaan, way ka baqeen, markaas ayaa nebigu ku yiri, ‚markaad madoobaadyo aragtaan, oo aad baqdaan, tukada salaad oo ducaysta.‘.

Dayax iyo qorrax madoobaadyadu cidna wax ma yeelaan, saamaynna ma laha. Keliya waa inaan qorrax madoobaadka aan indho khaliya toos loogu fiirin.

Qawmiyadahii hore ee adduunka, siyaalo kala duwan oo quraafaad ah ayay ku fasiri jireen calaamadahaas.
Yurub, waxaa laga aaminsan yahay, in dayaxu ,markuu 15ka yahay, in dad badini qac noqdaan. Hebel waa dayaxoobay (lunatic), alyacni waa waashay, baa la yiraahda. Luna waa dayax.

Soomalida, iyaga naylaha keliya ayaa ku wareera oo maalin mooda, markaas bay iska dhaqaaqaan, sidaas ayaa loogu bixiyay, „ NAYLA-QAAD“.

Hashi Y. Osman