Waa tallaabo wannaagsan in xilka laga qaaday wasiirkii waxbarashada!

Waxbarashada ka hana qaaday dalka 1991 kaddib, waa miraha dadaal ay bixiyeen aqoonyahano isu xil qaammay daboolidda adeegga waxbarashada ee dalka ka maqnaa!

Tacliinta dugsiga hoose, dhexe iyo qeyb ka mid ah dugsi sare waxaan ku soo qaatay dalka ayadoo adduunka ma aqoonsanno na leeyahay. Nasiib uma yeelan in aan jaamacadaha gudaha wax ka barto laakiin waxaan hubaa in arday aad u tayo sareeya ay ka soo baxeen. Qaarkood shaqooyin heer sare ah ay hayaan, halka qaarkood ay tacliin sare u aadeen waddamo kale.

Tayada waxbarashada waa hooseyn kartaa macquul maadaama ay wasaaraddii meesha ka maqneyd muddo, qowlaysatana ay ku soo dhex dhuumman karaan hase yeeshee taas aqoonsi darro ma keenni karto, oo wasaaradda ayadaa diiwaan gelisa, qalinjebinta ardayda tagta, tasdiiqisa shahaaddooyinka.

Mar dhow waxaan sugaynaa wasiir dhaha baasaboorka Soomaaliya ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha baasaboorada adduunka. Sidoo kale wasiir dhaha lacag Soomaaliga ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha adduunka.

Intaan dugsi sare ku jiray waxaan Xamar ku arki jiray arday Kenya wax ku soo baratay oo mar walba iska weyneysiiya ardayda gudaha. Hadda waxaan arkaa dad nasiib u helay waxbarasho dibadaha ah, oo weliba lagu aaminay mas’uuliyad wasiirnimo in ay ku jeesjeesaan ardayda gudaha wax ku baratay.

Kheyre/Farmaajo way ku mahadsan yihiin in ay wasiirkaan niyad jabka wada ay la xisaabtameen.

Waxaan wax ku bartay dibadda xitaa dugsi sare qeyb ka mid ah, haddana weli waxaan qirayaa in uu iga dadaal, dulqaad iyo karti badan yihiin ardayda dhowr isbaaro ka tallaabay, xabado ka wareegtay, jidgooyo ag maray, ama nafsadooda halis geliyay ayadoo ay xabbad socoto si ay wax u bartaan. Weliba ayagoo aan heysan tas-hiiaad/agab ku filan!

Guuleysta!

Hassan Adan Hassow