“Inta aadan qof kale AQOONSI siin, adigu is AQOONSO!” Bashiir M. Xersi

Aad baan uga xumahay, hadalka ka fiirsiga iyo meel u daymo la’aanta ah, ee wasiirkii hore ee WAXBARASHADU ku dafiray waxa jaamacad dalka ku taal.

In kasta, ooba Kheyrre iiga la hormaray karbaashka, oo xilkii seqdhexe laga tiriyey, haddana, hadalkiisu la yaab ayuu lahaa, marka aan saddax arrin fiiriyey.

1- Jaamacadaha uu inkiray waxaa ku jirtay Jaamacadaha Ummadda.

2- Jaamacadda Ummaddu waxay waddaa toddobaad aqoon baaris iyo doodo cilmiyeed ah, oo ay Soomaali iyo shisheeye ka wada qaybgalayaa.

3- Wixii uu wasiirka ku ahaa, oo uusanba aqoonsanayn, oo ah WAXBARASHADA, marka midda qabiil laga soo tago.

Anigu waxaan is leeyahay, wuxuu ahaa hadal loo soo dhiibay, balse, gadaal bam ka noqday, oo kuwii u soo dhiibay, xitaa la xumaaday. Is dhaafi ayaa ka dhacday.

Ninkaa waa macduure, hal arrin ugu cudurdaara, oo isaga ku dhacday, maragna laga wada ahaa.

Markii Formaajo uu booqashada ku tagayey Masar, ayaa wafdiga QARAN waxaa ku jiray wasiirkan waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

Wiil madaxtooyada ka ah ku xigeenka Agaasimaha qarsoon, oo la yiraa SHOOLE, ayuu wuxuu ku yiri: wasiir, adiga qabiilkaaga ayaa wafdiga ku badan, ee is ka joog, waxaana lagu badalay taliyihii hore ee Booliska Saacid.

Ninka mid yaroo agaasime ku xigeen ah, isaga oo wasiirka waxbarashada ah, oo Masarna loo socdo, wafdiga looga reebay reerkaaga ayaa ku badan, maxaad kale oo aad ka sugi lahaydeen? Xabba!

Midda u dambaysa; Formaajo iyo Kheyrre, kuwa ay ka soo xusheen Hawiye, waxaad ka soo heshaan, hal qof oo wax gala ama wax gooya!

Wasiir, danjire, taliye ciidan, ilaa agaasime fiiri. Gebi waa xarig la ma sitaan iyo aryaa waa siibdhay!

F.G: kursigu waa awood qaybsi qabiile, waxaa la idiin soo wadaa Goodax Barre, ee ma ka hadal macaan yahay? Amuu kani noqdaa; bogga ku carar iyo bullaale? Looba joogee!

Wax la arag waxna laaban.