Xaqiiqdu waa Geeri iyo Gaajo ee maaha mid ah Nabad iyo Nolol

Waa inaan wax iska waydiino shacabka soomaaliyeed ee ku dhexnool Gudaha Dalka jamhuuriyada somalia ma waxay ku sugan yihiin intooda badan xaalad u dhaxaysa Geeri iyo Gaajo. ay keeneen dawlad la’aanta jirta iyo codaada dheeraatay barkaca joogtada ah.

Xegaa ka timid fariinta Nabad iyo Nolol.

Taarikhda Soomaliya marnaba shacabka Soomaliyeed ma eeysan helin nuuc hogaan oo leh aragti siyaasadeed iyo mid Somaalinimo oo isku dheeli tiran lehna daacadnimo iyo awood guuleeysata oo la dareemi karo.

Hadaan is waydiino shacabka soomaaliyeed ma waxay ku sugan yihiin marxalada loogu magac daray Nabad iyo Nolol mise shacabka soomaaliyeed waxay ku jiraan Marxalad u dhaxaysa Geeri iyo Gaajo labadan aragti tee xaqiiqda u dhow.

Inta badan madaxda ku guulaysata hogaanka soomaaliya kursiga Madaxweynaha Raysal wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka

waa eey iska iloobaan balanqaadka eey sameeynayaan marka eey ku jiraan olole eey ku doonayaan in eey ku hantaan talada hogaanka dalka soomaaliya

Arinkan waxaa sabab u ah in uu san jirin xisaabtan ka yimaada bulshada uu madaxda u yahay waayo bulshada ayuu u kala qeeybiyaa qeeyb isaga xigta iyo qeeyb aan isaga u xisaab saneyn.

Waxaan faalanqeyntan ku soo gaba gabeynayaa marxalada shacabka soomaaliyeed ku sugan yihiin

Haddii la doonayo in wax laga qabto dhibaatada jirta waa inaan noqonaa dad runta sheegi. Kara oo tilmaami kara marxalada shacabka ku sugan yihiin.

Danjire Mahamed Caalim