War Murtiyeedka Tababarka Saxaafadda iyo Culumaa’udiinka ee Joojinta tacadiyada Gudniinka.

Muqdisho: Qeybo ka mid ah warbaahinta dowliga ah iyo kuwa madaxa bannaan ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa tababar ku saabsan sida warbaahinta iyo culumadu uga qeybgali karaan ololaha joojinta gudniinta gabdhaha ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Waxaa tababarka soo qabanqaabiyay Hay’adaha Ifrah Foundation, Global Media Campaign, Unicef, Save the Children, UNFPA iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Warfaafinta.

Arrimaha si guud loogu falanqeeyay waxaa ka mid ahaa:

  • Sidii Soomaaliya looga joojin lahaa xadgudubyada Gudniinta.
  • Sidee saxaafaddu u dardargalin kartaa kobcinta wacyiga dadka Soomaaliyeed ee ku aadan joojinta Gudniinka guud ahaan.
  • Sameynta guddi culumaa’udiin oo si gaar ah xoogga u saari doona joojinta FGM.

Falanqeyn dheer kadib, ka qeybgalayaashu, waxay isla gar-teen qoddobadan soo socda:

Ka qeybgalayaashu, waxay cambaareeyeen ficilada xadgudubyada gudniinka gabdhaha Soomaaliyeed, uguna baaqeen bulshada Soomaaliyeed in ay joojiyaan tacadiyada gudniinka.

Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in culumada Soomaaliyeed ay sii xoojiyaan sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada gudniinka gabdhaha, ayna kordhinayaan wacyigalinta la xiriirka.

Culumada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa shirka, waxay ku baaqeen in la sameeyo guddi culumaa’udiin ah oo si buuxda uga shaqeeya la dagaalanka xadgudubyada gudniinka.

Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in Warbaahinta Soomaaliyeed ee sii labalaabto dadaalka lagu joojinayo tacadiyada gudniinka gabdhaha, iyagoo la shaqeynaya culumaa’udiinka, dhaqaatiirta iyo hey’adaha ka shaqeeya joojinta gudniinka.

Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in loo midoobo, oo si wadajir ah looga shaqeeyo sidii hal cod looga yeelan lahaa, meelna looga soo wada jeesan lahaa tacadiyada Gudniinka Gabdhaha.

Ka qeybgalayaashu, waxay ugu baaqeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay tallaabo ka qaaddo, soona saarto sharciyo lagu ciqaabayo xadgudubyada gudniinka gabdhaha.

Ka qeybgalayaashu, waxay ku ballameen in ay si wadajir ah ay u wada dhaqan geliyaan go’aanada ka soo baxay aqoon isweydaarsigan.

Ka qeybgalayaashu, waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay ansixiyaan sharciyo mamnuucaya xadgudubyada gudniinka gabdhaha, isla markaana dhaqan galiyaan inta lagu jiro sanadka 2018.