Soomaaliya uma dulqaadanayso in Etiopia iyo Eritrea loo adeegsado

Soomaaliya uma dulqaadanayso in
Etiopia iyo Eritrea loo adeegsado
qalalaasa hor leh ee ka abuurma
Geeska Afrika.

Soomaaliya waa Dal xur ah, isku filan, bad iyo berri Rabbi ugu deeqay, qani ah, sharaf iyo karaamana leh.
Soomaaliya waa Dal iyo Shacab Afrikaan ah, jecel in uu dhamaan Wadamada Afrikaanka iyo Shacabkiisa kula nooladaa nabad iyo ixtiraam,
qaas ahaana Dowladaha uu jaarka la yahay. Waa Dal ka mid ah Ururka Dowladaha Arabta.

Waa Dal ka tirsan African Union, waa aas as yaashii ururka Igad, waa Dal ka mid ah ururka Dowladaha Islaamka iyo ururo badan oo caalami ah.
Soomaaliya kama aysan helin Ururka Carabta ixtiraamkii iyo sharaftii ay ku lahayd, madax banaanideeda iyo xurriyadeedana dhowr jeer lagu xad gudbay.
Soomaaliya waa Dal iyo Dad isku kalsoon kama walwalaysoo cabsina kama qabto dowladaha qaarkood ay urur wadaag yihiin, ku caan baxay la shaqaynta iyo taageerada ay siyaan urarada argigixisada ee Aduunka dhibaatada ku haya Argigixisadaas oo ay ka mid yihiin Shabaab iyo Daacish oo ka howl galo soomaaliya.
Siyaasadaan gurcan oo la rabo in lagu hanto dekedaha xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya waa riyo.

Waxaan aragnaa, ujeednaa in loo tilaabsaday dekedaha Eritreya, laakiin waynu arki doono wadada ay marto.
Laakin mid baan hubnaa in Xeebaha iyo dekkedaha Soomaaliya aan lagu ajarmin, beec iyo ijaarna aysan carab u ahayn.

Dott.Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha
Xisbiga Dimoqratiga Banaadir.